Jawaab ku socota nin ka qoray BURCO MAGAALO QASHINKA QABYAALADU DHALAN ROGAY,

MAQAAL

Waxaan arkay maqaal aad warbaahinta internetka wax ku qorta aad ku qortay oo aad cinwaan uga dhigtay BURCO MAGAALO QASHINKA QABYAALADU DHALAN ROGAY, qofku markuu rabo inuu taariikh ka waramo laba mid ayuu noqdaa oo uu ku saleeyaa war bixintiisa waa ta koowaade waa inuu yahay qof deegaanka uu wax ka qoraayo ka soo jeeda oo aqoon fog u leh oo looga qaateena ama waa inuu noqdaa qof sigaara ugu takhakhusay meesha uu wax ka qoraayo oo baadhitaan xeeldheer sameeyay (research),

markaan akhriyay qoraalkaaga ma aha mid labadaas mid ku salaysan kolay deegaanka burco kama soo jeedid oo umaad dhalan takale ee iiga kaa muuqata ma tihid nin dalka joogay intii isbedeladii siyaasadeed dhacayeen ee ku sinaa isbedelkii faqashta( rajiimkii siyaad bare) laga tuurayay halgankii SNM iyo sidii SNM u kala qaybsanayd iyo waxa sabab u ahaa!, kii ka dambeeyay ee keenay in dagaalo sokeeye dalka ka curtaan oo markii danbena ay burco xarun u noqoto iyo sababihii keenay ee dagaalka kasoo bilaabmay airport ka hargeysa ee ku dhamaaday burco waxa dagaalkaas soo raray iyo cida ka dambeysay ee reer burco kusoo dhex tuuray!

waxa dagaalkaas ka horeeyay kii ka dhacay burco 1992 kii oo uu markaas dalka madaxweyne ka ahaa c/raxmaan axmed cali ( tuur) IHN dagaalkaas oo socday mudo 5 cisho ah oo dad badan baro kiciyay khasaare naf iyo maalba lehna keensaday oo xitaa uu ku nafwaayay oday ay walaalo ahaayeen madaxweynaha hada talada dalka haya madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilanyo oo la odhan jiray INA BUREEQA IHN dagaalkaas oo uu sabab u ahaa mucaaridad balaadhana uu kala horyimid madaxweyne siilanyo dowladii c/raxamaan tuur markii talada dalka loo dhaariyay wixii dagaalkaas sababay isna wax taariikh ah iyo ujeedadii ka danbeysay waxba kalama socotid,

burco waxaa ka dhacay laba shir beeleed oo waaweyn oo la kala odhan jiray LIIBAAN 1 IYO LIIBAAN 2 oo qabsoomay 1994 kii kaasna wixii sababay iyo siyaasadii kaliftay midna wax taariikh ah uma haysid,

waxa ka danbeeyay shir beeleed aad u abaabulaa oo uu horkacaayay gudoomiyaha guurtida mudane saleebaan gaal oo dhacay 2002 kii oo uu ku diidanaa inuu diiwaan geliyo ururkii uu gudoomiyaha u haa ee la odhan jiray ASAD kaas oo sababi gaadhay in dagaal sokeeye uu ku abuuro burco oo reer burco ku yidhaah deen saleebaan gaal hadaad ina cigaal is haysaan orod oo shirbeelaad kaaga hargeysa la tag anagu dagaalkii mashruuca la odhan jiray ee marya aloolka ee aad dhawaan qandaraaskiisa soo qaadatay ayaanu riiqdiisii dhawaan ka soo doognaye! kaasina waa taariikh kaa maqan oo aad u baahan tahay inaad wax ka korodh sato iyo sababihii uu daaraa,

labadan shir beeleed ee garadag iyo daalo maaha labadii shir ee ugu horeeyay ee reer burco ay ugu horeeyeen xitaa waxa labadaas shir u dhaxeeyay shirbeeleedkii DAN IYO DUCO ee dubur ka dhacay ee beesha gobolka saaxir qabsatay manay ahayn laba shir oo isku xigay,

way jirtaa in is afgarad la-aan siyaasadeed marwalba ka dhax taagan tahay labada beelood ee wada dega burco oo aanay dhicin inay siyaasada isla jaan qaadaan waxaad garan kartaa hadaad tahay qof siyaasada odorosa waxa keenay in siyaasiyiinta beesha bariga burco marwalba taxaaluf ama gaashaan buur ka raadsadaan beesha reer hargaysa( casad muuse) iyaga oo ay uga dhow yihiin beesha burco la degta ee ay danta siyaasadeed iyo ta dhaqaale iyo ta nololeedba ka wada dhaxayso somalidu waxay tidhaahdaa oodi ab ka dhow! ee ay dad aanay deegaan iyo dhaqan toona wadaagin u raadsanayaan! taasi waxay kuu tilmaami kartaa waxa meesha ku jira iyo qar iska tuurka siyaasdeed ee beesha bariga burco siyaasayiintoodu aanay marnaba diyaarka ugu ahayn in la mideeyo beelaha walaalaha ah ee gobolka wada dega taas oo hadii ay maruun suuro geli lahayd laga yaabi lahaa inaanay reer hargeysi mardanbe siyaasada iyo talaba dalka dib u uriyeen!,

waxaan ku soo xidhayaa way fiican tahay inaad isku daydo inaad wax qorto laakiin intaanad qalinka qaadan waa inaad cilmi baadhis balaadhan oo xaqiiqada ku qotonta samaysaa si aanu qorigu kaaga kedibin.

aadan axmed nuur