Kulan Baroordiiq Ah Oo Loo Sameeyay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoygii Waa Waynaa Ee Gobolka Togdheer Oo Ku Geeriyooday UK.

Burco-(SM)-Xaflad loogu baroordiiqaayay isla markaana loogu ducaynaayay Alle haw naxariistii Marxuum Cabdirashiid Maxamed Sugule (Culus) , oo ka mid ahaa ciyaartoygii waawaynaa ee Sideetamaadkii u ciyaari jiray gobolka Togdheer oo ku geeriyooday magaaladda Lister ee ee dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu qabtay Hoteel Golis ee magaaladda Burco.

Xafladan baroor-diiqda ah ayaa waxa ka soo qaybgalay maamulka Degmadda Burco ,Xildhibaano ,Masuuliyiinta Wasaaradda ciyaaraha gobolka Togdheer ,Ciyaartoygii hore ee gobolkaasi ,waxgarad iyo dadweyne badan .

Maayir ku xigeenka Degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo Xafladaasi Baroordiiqda ka hadlay, ayaa sheegay in Marxuum Cabdirashiid Culus ahaa tiirarkii ciyaartoyga ee gobolka Togdheer ,ahaana shakhsi ilaahay ku manaystay Dabeecad iyo Akhlaaq wanaag ,taasi oo ay bulshadu ku jeclayd.
BucoBaroordiiq
Waxaanu Maayir ku xigeenku Ilaahay uga baryay Marxuumka in uu Janadii ka waraabiyo Qoyskii iyo qarankii Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Isuduwaha Wasaaradda ciyaaraha gobolka Togdheer Ismaaciil Waydaar Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xuskan baroor-diiqda loo qabanaayo mid ka mid ah ciyaartoygii waaweynaa ee magaca ku lahaa gobolka ee dhawaan ku geeriyooday Cariga ingiriiska ,taasi oo muujinayso in Marxuumku ahaa nin inagu weyn oo bulshadu jeclayd .

Waxaanu Ilaahay uga baryay in uu Naxariistii Jano ka waraabiyo Qoyskii iyo qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Maayirkii hore ee Degmadda Burco Maxamuud Xasan Dhagolaab oo ka hadlay kulankaasi baroor-diiqda ahaa ayaa u tacsiyadeeyay dhamaan Qoyskii ,Qaraabadii iyo Qarankii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdirashiid Culus ,marxuumkana ugu duceeyay in Eebe Janadii ka waraabiyo.
Jamaal Cismaan Huuhaa oo ka mid ahaa ciyaartoygii ay marxuumka soo wada ciyaareen waxa kulankaas ka sheegay in marxuum Cabdirashiid Culus ka mid ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa gobolka Togdheer xiligaasi isla markaana ahaa nin u safan jiray ciyaaraha Kubadda Cagta ,Laliska iyo Kolayga.
“ Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoygii Kubadda Fooliboosha ee sedexda sano ee isku xigta guusha usoo hooyay gobolka Togdheer, ee ku guulaystay kaalinta Kowaad ciyaarihii goboladii laysku odhan jiray Soomaliya ee lagu qaban jiray Muqdisho ” Sidaasi ayuu Jamaal Yidhi.
Waxa uu Jamaal intaasi ku daray in marxuumku ahaa nin Cibaado badan oo Akhlaaq wanaagsan.
Ibraahim Maxamed Nuur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii waaweynaa ee SNM, oo halkaasi ka hadlay waxa uu ku tilmaamay in qoyska uu ka soo jeedo marxuumku ay ahaayeen kuwo Hido u leh dhinaca ciyaaraha kala duwan.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Maxamed Cawil X. Nuur (Xoog) Cabdi Cago ,Ibraahim Guuleed ,Xuseen Cabdilaahi Dalmar ,Farxaan saleebaan iyo Aadan Dooc, kuwaasi oo dhamaantood ka mid ahaa bahdii ciyaaraha ee gobolka ee xiligaasi ayaa marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa ciyaartoyga dhalinyaradu higsan jireen inay in ay mar’uun gaadhaan ,waxaaney ilaahay uga baryeen marxuumka in uu Janadii fardowsa ka waraabiyo .

Alle hawnaxariistii Marxuum cabdirashiid Culus ,waxa uu ifka kaga tagay Sedex caruur ah ,oo kala ah laba Wiil iyo Gabadh.

Salaanmedia/Burco