MAANSO.BELO XIJAAB

MOHOLIN

WAA  GABAY   SOOMAALI LAAN  OO  LA  YIDHAA

BELO  XIJAAB

WAXA  UU  GABAYGU  SOO  BAXAY  I8 / 5 / 2OO2

INTAA  KA  DIB  WAXA  AAN  MAANTA  USOO  BANDHIGAY

IN  AY  KU  QUUS  QAATAAN  KUWA  WELI  RAJADU  KA  HAYSO

EE  LEH  SOOMAALIYI  MA KALA  GO,I KARTO

WAXA  AAN  LEE  YAHAY  KALA  GO,I MAYSEE

WAY  KALA  NOQOTAY  WAANA  ABADA

WAXA AAN SALAAMA YAA  WARBAAHINTA  XORTA AH

IYO  BULSHADA  SOOMAALILAAN.

 

Aan  bilaabo  gabayga

Soomaali  laan  baannu  nahay

samir  ku  noolayde

sannadaa  dhibaatadu  ahayd

tii  sokeeya  ahe

lixdan  kii  sidaan  doona  yee

saami  kaga  maarmay

ee  ahayd  sinnaan  iyo  wanaag

samo  ku  noolaan  sho

saddex  dii  maqnayd  iyo  ahayd

saacid  lagu  keeno

sawir  qudha  shantuba  ay  yihiin

sumad  miday  naysa

dhammaan  tood  inay  wada  saftaan

calanka  loo  saaray

saadaal  rajalabay  ahayd

seegid  loo  filne

suke  taayadoo  keliya  baa

wada  tay  sees  kaase

sag  iyo  qalooc  baanan  filin

sira  u  laab  naaye

sahal  kii  xoriyaddaan  la  haa

subax  guddoon  siiyay

sidii  xoola  baadiya  weelka  yay

ugu  samays  teene

saddex  dii  maqnayd  yaa  kulumay

taar  ki  lay  sudha  ye

sabab  aan  xalaal  ugu  noqdaa

sahayday  qaar  koode

saxeex  iyo  heshiis  kii  lagalay

sayma  hood  noqoye

dulmigaa  wuxuu  kuu  subkaba

geeridaa  sida ,e

sacabada  miyay  uga  tumeen

soor  ka  dacaraw  day

feestada  hal  kii  loo  salla  xay

naxash  ma  saaraa  day

sibra  dhiigle  gobolada  dhammaan

idil  ma  saamee  yay

soomaali  doon  maygu  tegey

sooca  iyo  geeri

marlabaad  sallaan  kii  miyaan

cagaha  soo  saaray

miyaan  qiima  saayida  u huray

inaan  saruu  fuulo

sidii  hore  hadday  qaar  la  tahay

inay  iseegay  so

waa  saqiir  caqliba  aan  lahayn

kii  usaha  yaaye

iyakaba  sugniin  baan  ku  jirin

waxay  same  yeene

soddon  baan  xalaashaw  ahaa

aan  suguun  wadaye

samadayda  miig  roora  yiyo

sun  iyo  waa  bayda

sayruukhu  dhaaxuu  ahaa

seexan  kari  waa  ye

sikas taba  kolkii  lay  jirrabay

gaadhay  seetada ,e

 

safeeyaba  markii  ay  tagtaan

keenay  saaxiga ,e

mar  haddaan  sikado  yaanu  jirin

suug  iceli  yaaye

sixir  iyo  falbaan  laygu  Karin

saynta  iyo  fooxe

sakaraad  ka  laayaan  ku  ahay

kayga  saad  sada  ye

sifihii  gobeed  waw  dilaa

saadadaan  aha ye

sandulay  ku  wada  aaminaan

sulub  ka  googooyn

sii  jeed  ayay  ugu  dhac  daa

waana  sabab  tood

mar  haddaan  xuduudayda  sugay

silig  ku  waa  geeray

mar  haddii  sarkaal  kaw  dhashiyo

sadar  tay  beesheedu

seeraheeda  waw  wada  dhan  yiin

saatir  kuu  dhiga  ye

suuqaa  dhammaan  tood  ufuran

saq  iyo  waageede

si  xunbaan  qabiil  loo  egmane

saani  lagu  ceesh  ye

sharci  baana  kala  saara  yiyo

suurad  iyo  diine

mar  qof  taladu  waa  seegay  saa

saatir  waa  gibine

suuldaaro  keenii  u dhigay

waa  la  saamaxa  ye

socdaal  arag tiyeed  goor  yabaal

webiga  ii  saaro

in  kastoo  saclaan  iyo  wareer

giir  iwada  saaqmo

yeel  kee  sideedaa  ku  liqa

sey  anaa  idhiye

 

saaxiib  ka  beeniyo  in  tii

diidan  suluxayga

sabadayda  doogale  ku  wii

siiga  uga  doora

kolka  samadu  noo  hooran  tahay

suruca  kii  qaada

salcaddi  la  dhoof  shiyo  intii

seylad  iyo  xoolo

sarif  badan  ku  waan  nala  jeclayn

soof  ka  duni  yaada

qalbigii  siloon  iyo  in  dhaha

cawri  sadha  geeda

safka  dunida  meeree  ku  dhaca

sebenba  qaar  kooda

xanuun  kaan  dawaba  loo  samayn

ee  dad  badan  saaqa

 

siigadii  tornee  diyo  dabayl

sidata  duu  faan  ka

siraad  kii  mar  ay  naga  dan  sheen

soobir  kii  badawi

mar  kaleeto  aan  wada  sallaxay

sahan  ilaa  laysta

saldhig  yada  ( QURAAN ) lagu  bartyiyo

suubbanaw  MUXAMAD  ( SCW )

subcis  kaba  inaan  lagu  akhriyin

kii  u xidhan  sun  ka

reerahan  salaam  iyo  kal  gacal

seedi  iyo  khaala

isaseega  kii  baafiyee

soogan  dhabar  kooda

salaamaad  allaw  naga  xijaab

beliyo  saab  keeda

 

Abwaan  maxamuud  cismaan  ( moholin )