Maanso Cusub…Maansada ( sixinka gaadh siiya)

MOHOLIN

21/1/14

Maansada ( sixinka gaadh siiya

=========  ======  =========

Soomaalida itoobiya in badan

Waa siraad baxaye

Waa meel samaan iyo kal gacal

La isku sooraaye

Si loo dayo sifaha dawladeed

Waa sugnaan dhaba he

Inta uu wakhtiga sii ya uu

Horuumar saadaasho

Degmo waliba socod siisa bay

Qiimaheed sedane

Saamigaa adduunkee (ILAAH )

Ruuxba jaga siiyay

Anna sabada weeyaan DANOOD

Tuu salkay yahaye

Badan bay sagsaag iyo ahayd

Salax taan heline

Sakal darayo dhaaxay ahayd

Sirin sirqaw tiile

Qalaadood sidiisay ahayd

Sawjar lagu boob ye

Boqortooyo  seben keedi iyo

Silic kalaan dhaamin

Inta saaqid cadawee dhulkaa

Diiday sumaddiisa

Saran seerka gaadhsii yay baa

Siibtay oo tegaye

Sixir iyo filin kii hindida

Saaka may noqone

Waa wax saafi loo wada arkaa

saraca beeruuye

waa wax saafi loo wada arkaa

soofka iyo daqe

waa wax saafi loo wada arkaa

geela sayntala he

Webiyada sabbee yiyo biyaha

Xoogga lagu seesay

Ee surima kala jaada iyo

Saaqad lagu weec sho

Beeraha dhammaan tood sunsuma

Saafi loo aragye

Saqda dhexe raraay iyo dhibtii

Badi la soog naaday

Ee saac la daba roora yiyo

Sahan wax raac deeya

Intaasoo dhan laga saahid yoo

Degis la suureeye

Balse weli darbaa seegganoo

Qaba sabool kiiye

Sabadooda baad kii engegay

Didibna saa meeye

Siigadiyo raran kii badnaa

Sawdka iyo baaqa

Soo duwaayda awrtiyo caruur

Ooy safradi buuxdo

Sabab tay ukala jaad yihiin

Yaa su aal mudane

Sacab ka iyo heestiyo ciyaar

Sare ubood boodka

Siniq siga la dhaan tayna yiyo

Suubanaan laxan ka

Ee xareedu baal socota iyo

Xoola hoo subag le

Iyo qaar siqiir iyo kabiir

Sun ku kala gooyay

Sajal dawladeed aan marnaba

Gacanta loo saarin

Ma siiyaan xaqoodii la garan

Saaid yay heline

Mise talada yay seegan yiin

Badawna waa saaruf

Intaan qaar sidoodaba ogayn

Siidhigaa baxa ya

Siddidani  maxoogay satee

Sixin ka gaadh siiya

 

Curiye. Waa (moholin )