Maanso Cusub.. Maansadan aan Ugu Magac Daray DAALIN-MALAGII

maanso

Maansadani Waxay Soo Baxday 29/01/014
Waxaanan Markii 2aad aan Kusoo Noqday Silsiladii Garbo=diir anigoo Markii hore Kaga Qayb galay Maansadii DUBE Bal Imikana Aan Idiin Kalabaxo Maansadan aan Ugu Magac Daray DAALIN-MALAGII

Dube weeye maansadu
iyo
Daalin malagii

Dulmi iyo xumaatooy
Duqu doobi-hiisii
Hadda kaamma daynine
Ogow kaalla durug-yoo
Misna kaala daba yimi

Dube weeye maansadu
Iyo daalin malagii
Anna abid ma dacalmarro
Darka ceebtu taaliyo
Degel eelku leeyahay
Denbi qaranka laga galay
Xumaanna umma duurxulin

Gaydhaw da.adaan ahay
Dukaan wayna maan-dhigin
Sharaftiyo dadnimadoo
Biic damiirka kuma gado
Iyo duunyo shilinkeed
Dakanana ma saaciddo
Mana durro nin daacada
Iyo ruuxii daahirra

Daayin wuxuu ifaray iyo
Xaqanna waan u diriraa

Balse waxan u daranahay
Amma aan dubeeyaa
Duf ku bexe dabaalkii
Dagantiyo magaratada
Duudsiya agoomaha

Axmedkii-na diirshee
Deelka noo bilaabiyo
Maantana dugsiiyaw
Dedaa haysa ubadkii
Darbadiyo xanuunkuna
Duray way ka wayntee
Intay doqoni moogtiyo
Hadilaacdo boogtuye
Dabka waan ku simayaa
Dalmaraw xanuunkiyo
Halkuu cudur ku dedanyahay

Durri weeye sheekadu
Beraa sheekh dawaafaa
Reer degay martiyay
Durra

Meel dudo ah wadaadkii
Dermmo loogu geeyoo
Duryan yoo shalaad qaad
Durba daylo loo dabax
Ducadiina sii badi

Dahab weeye dhaqanku-ye
Markuu dumay habeenkii
Dabkii dherigii laga qaad
Xeedho dabaqle awgii
La dul-gee wadaadkii
Dermadii ka soo toos
Dadab-tii ardaagi-yo
Dabadiisa ood tiil
Durbba awlal saaryoo
Hay dabayshaduu yidhi
Xeedha-dii ku soo durug
Duudka iyo jeeniga sarari-hii
Daladala-yoo dig ka sii wadaadkii
Markuu diirtaya feedhii
Hurddo dakharta aw-halac
Ka dayaammi khuuradda

Dahab weeye dhaqankuye
Markuu diigu daakirray quraac
Diiran loo keen

Isagoo dibirro jiqa
Cadkii xalay dabayshaday
Afka intuu u daray waran
Degta sudhay wadaadkii
Ducuu reerkii sii faray

Dig-dig-tiyo talaabadda
Wuxuu sii dawaafaba
Duhurkii marakay tahay
Ayuu daab-yad soo galay
Mawlac duurra-buu tegay
Kaga dananni eeddaan
Dadkii faral-kii soo aadd
Dabadeeto shiikhii
Dadkii inuu tujiyo-iyo dirrigii
Salaaduu u diyaar-garooboo
Udar-daaran jamicii

Degta waxaadii saara-yd
Meeluu ka day-diyo
Ku daryeel qib-ladda hore

Dar illaahay goort-uu
Dibnuhuun dhaqaajee
Shiikhii daarray faataxo
Dinnad urisay waax-dii
Dacal guratay aw-halac
Daallacay wadaadkii
Ku-ye daad la orodanni
Maaday kuu dan-leedahay
Qur-aankii dudu-biyoo
Deg-deg-buu rukuuc-dii
Dib-kaw laacay bisaddii
Misnna dab-ka tuurkii
Kudar semmaca-laahudda
Dadkii-yoo tukanayay
Dusha qay-llo kaga-timmi

Sahawi-baa dadkii galay
Dabadeed wadaadkii
Dib intuu-ujeestuu yidhi
waar dadwaynaw
Ku-maa dayn siyaarii
Doorkan baaqi ku ahayd
Daacad weeye jamucu-ye
Dar-allee mar wadda dhe-he
Dayr-taan culimmo noo imman
Dabadeeto shiikhaw
Dee waa ka simmanahay
Dayn-taa siyaarradda
Mis-na duud sabeennaa
Deegaankii soo gurre
Loo dareerri boobaw debigaba
ninkii dhigay
Waa duur-xul sheekaddu
Aan hoos u daadeggo

Dube weeye maansadu
iyo
Daalin mallagii
Kama daallo sama-hee
Weedhsammaw ha daakirro
Ninkay damaq-day weedhu-ye
Dalku wuxuu la jaaryahay
Ninamay diifi haysoo tiisaw ildarrano
Tukalenna daryeelayn

Dar allee dadkaygaw hadda
Shalay dayawdeen
Dorraatanna dar jiidheen
Maantanna dakaan-teen
Waxa soo soc-daa darran
Haddaan loo kitaab dayin

Dube weeye maansaddu
iyo
Daalin malla-gii
Waxaan aan ku sii daray
Ninkii doobir yidhiyaw
Hadday taaddu dararr-tahay
Amma laas dekeddi-jirro
Dadku wuu il-darran-yahay
Diiftiyo xanuunkunna
Waxa la deddo ka xeeldheer
Duligiyo xumaantunna
Dugsi mallah gaydhaw

Dube weeye maansaddu
Iyo daalin mallagii
Deelku sheeko weeyaan
Cabdaw yuu ku dacal marrin

Durra weeye faalladdu
Islaan duub kawirra-laa
Sii-daysay adhi subax
Da.ayar gabadha-bay tidhi
Hooyo deeqa-luulee-y
Aan kaa daba imaadee
Sii dareeri idah-oo
Dayacaada ka ogaw
Dulmar dahabo dhooshsni
Diyaar-bay u-tahay hawl
Ileen daahi maysee
Xerra-dii daf tidhi-yoo
Soo xaadhay diga-dii
Halkan ciir daboolayd
Intii daayin uga qaorray
Dam ka siisay habartii
Dhexdda xidhatay dabadeed
Yartii soo dir-too tidhi hooyo
Deeqa-luuleey ducaan kugu
Ogee orrod
Doc-dda caana-haan dhigay
Ka durduurro faraweey
Dabadeeto xoogaa muddo
Waxay dayooy iyo dugaagaw-da
Haysoo ida-heedda duudaa
Darrayadda ka dhawda-ba
Dabayshii-dhacay-siyo ciirtay
Dudubisay duqdii daal dareentoo
Dulmar meel dugsiya tidhi allaylee
Dabada saar
Saw damac hurdaa jira
Kolaba waxay dekaantoo
Dulmar lulo la diiddaba
Wan ag-daaqayaa deyay
Kawir-keeddan duubki-yo
Hadba dacal u ciirkii
Dad dil weeye sumal-ku-ye
Dirir iyo colaad iyo daan-daansi
Mood-yoo dib u faagay jemmelkii
Dig-ku sii hirdimmo culus
Kalla daadi mada-xii dayaankiyo
Wareer-kii duqdii geeriyootoo
Lagu duug xabaalaha
Waxan uga dan-leeyahay
Intay dunidda saaray-d
Dulmar tirrada kuma darin
Inay duunyo cadaw tahay
Amma adhigu dili karro
Duur xul-weeye qabilaw

by sacad cali kaahin Raamalay Sacad plucky