Maareeyaha Tv-ga Qaranka: Nusqaan Ragaadisay Tv-Qaranka u dhexeeyay ee Somaliland

 

Maareeyaha Tv-ga Qaranka: Nusqaan Ragaadisay Tv-Qaranka u dhexeeyay ee Somaliland.

 

Maareeyaha Tv-ga Qaranka khadar cali gaas…..

Maareeyaha Tvga Qaranku hal Masuul oo uu dhawaan Magacaabay Mooyaane Raggii uu Xilalka siiyay nin keliyaatana Imtixaan masoo Marin

Maamul Xumadda iyo Khubrad La,aanta Maareeyaha Telefishanka Qaranka waxay Horseeday inuu Maamulkii ka jiray Markii uu Yimid uu ka daba Magacaabo qaar isagoo ka Xigtaysanaya niman Door ah oo Sharciyadooda muran ka Taagan yahay maadaama Raggii Imtixaanka Soo maray uu maamul uga dhigay sidee haddaba nin Sharciyadiisa Shaqaale aanay sifo Sharciya ahayn Xilal ugu Magacaabaa Maareeyuhu Waa Sababta aabaha u ahayd in Lagu Kaco ayaan odhan karnaa.

Waxaa ka qurux badnayd inuu Magacaabo Rag imtixaankii hay,adda shaqaalaha soo Maray oo Buux ka ah Tvga ama inaanu Nusqaamin Maamulkii Hore u jiray ee masuuliyiin lahaa qodobka kale ee aadka Maalmahani loo hadal hayay waxaa ka mid ahaa Kala xigtaysiga uu ku kala xigtaysan jiray Shaqaalaha taasi oo Markii xumaddii kacdoonku sare u kacday uu Wanjal uu kula cararay Madaxtooyadda isagoo leh Reer ayaa igu Kacay eesh calaa Xariif.

Sidoo Kale waxaa aad Loola yaabay Maalmahani Shahaado sharaf Shaqo doon ah oo lagula dul kufay Urur uu Maalgeliyay oo shahaado Gudoonsiiyay Waxqabadna aanu jirine shaqaalihiisii ay aad ula yaabeen marka layidhaahdo Waxqabad Mixnadu ma Noqoto Waxqabad kala xigtaysigu ma noqdo waxqabad Ururkanina Maaha mid caalami ahe waa Xarfad Loo soo diyaariyay isaga iyo Maayarka Gabiley oo uu ka waxqabad badnaa Maayarka Burco iyo Hargeysa.

Maareeyuhu Waa Qurba Joog u haysta inuu cida uu doono iyo waxa uu doono Lacag ku hantiyi karayo taasi oo aan dhici jirin Wakhtiyaddii hore.

Maareeyihii Ugu Waxqabadka Badnaa wuxuu ahaa Maxamed muuse diiriye oo hadda loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Muxuu ku soo kordhiyay Maareeye Gaas?

Tolaay Yaa Hartiyaay abtiyaal tolaay yaa ………….. ayaa Xigi haddaanu halka ay Rasadu ka khaldantahay aanu waajihin Maareeyaha Telefishanka Qaranku Mr Khadar Gaas raggani adeer waa rag is huba dhinac kasta qabyaaladdana ma yaqaanaan .

Dawladda Waxaa la gudboon inay Telefishankan laga maamulo Madaxtooyadda ee aanu ku caayi jirnay Maamulkii hore inay Wasaaradda Warfaafinta hoos keenaan haddii kale Madaxtooyaddu waxay Dusha ku qaadan doontaa wax kasta oo ka yimaada sidan uu yahay.

Qalinkii Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland

somalilandradio@gmail.com