“Maayarka Buka Ee Tarsan Ha Ku Mashquulo wax ka qabasashada Magaaladiisa iyo Caafimaadkiisa”

kaysar 2Inkasta oo Allaha Awooda lihi uu yahay ka Cudurka iyo Caafimaadkaba keena oo aanay ahayn wax la isku caayo ama la isku ceebeeyo, hadana waxaa yaab leh halkii uu daawada ku haboon ka qaadan lahaa ee uu dhinaca Cibaadaysiga iyo Alle ka Cabsiga isugu taxalujin lahaa, ee uu lana tacaali lahaa cudurka halista ah ee haya, cudurkaas oo uu dhawaan uu xaqiijiyay Afhayeenka Dawladiisu Mr. Yariisow.

Nasiib darro Tarsan waxa uu beryahan dambe caadaystay inuu Aflagaado joogto ah u geysto Jamhuuriyada Somaliland oo ah Qaran dhismay kana mid ah Wadamada ugu Nabadgelyada, Horumarka iyo Siyaasada deggan ee Qaarada Afrika.

Waxa Maayarka Muqdisho Maxamed Nuur Tarsan oo aan ku iman doorasho ee ku yimi magacaabis, isla markaasna dhex fadhiya Caasimada ugu Nabadgelyada xun, ugu dib dhacsan uguna musuq-maasuqa badan ee dunida, oo aan si xor ah u dhex lugayn karin Magaalada Muqdisho ee uu Maayarka u ahay, 24ka saacadoodna ay gaadh ka hayaan Ciidamo shisheeye, ayaa halkii uu ku mashquuli lahaa hagaajinta Magaaladiisa, ama Daaweynta Caafimaadkiisa ayaa waxa uu ka door biday inuu beryahan dambe afxumo u geysto Jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeedka geesiyaaasha ah ee aanuu gaadhi karin.

Maayarka Buka ee Tarsan waxa uu Aflagaadeynayaa Dalka Somaliland oo ay dhisteen dadkiisu, Dal ay Magaalooyinkiisa ay Maayarro ka yihiin masuuliyiin Cod Dadweyne lagu soo doortay oo aan sidiisa wareegto lagu soo magacaabin, isla markaasna aanay Tarsan iyo Dawladiisu higsan karin xataa haddii ay labaatan sanadood oo kale sii joogaan, Dal Gees ilaa Gees ay Nabadgelyadiisu sugan tahay, oo ay kala danbayn, iyo dawladnimo buuxdaa ka jirto. Dal aan laga Aqoon Mooryaanimo, Isbaar, Argagixiso, Budhcad Badeednimo iyo is wax is daba marin, Dal ay Dadkiisu gacanta ku hayaan oo aan Tarsan iyo Dawladiisa iyo Cid kale toona awood u lahayn inay hal taako oo ka mid ah ku soo xadgudbaan.

Tarsan waxa uu u ooyayaa Dal Madaxbanaanidiisa lagu dhaliyay Awood, Dal ay dadkiisu Jabiyeen Afkana Ciida u dareen dawaldii Manaxaanka ahayd ee awooda is bidi jirtay, marka la eego sida uu indhaha uga lalinayo wax ka qabasha Magaaladiisa Muqdisho ee dhibtu ka jirto ee uu labada Kiiloo Mitir ka xukumo waxaa kuu cadaanaysa in aanu Tarsan jidh ahaan oo kaliya bukin ee uu Maskax ahaana Buko, Allah ha shaafiyee.

Waxaan usoo jeedinayaa in Maayar Tarsan ka waantoobo Aflagaadada uu caadaystay beryahan dambe inuu u geysto Ummada reer Somaliland ee aanu gaadhi karin.

Waxaa muuqata in Tarsan ay Maalmihiisii soo gaabanayaan oo uu muuqdo mid la tuurayo, waana wax caado u ah kuwa fashilmayaa inay had iyo goor bilaabaan xagxagashada Somaliland, waxaanan rayanayaa Madaxweynaha maamulka Muqdisho inuu talaabo haboon ka qaadi doono Maayarkan Buka ee Tarsan, maadaama ficilada uu ku kacayaa ay yihiin qaar ka hor imanaya Qodobadii ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Soomaaliya oo tilmaamayay in laga fogaado wixii wiiqi kara Wada hadalada u socda labada Dal.

Safiirka wareega ee Somaliland
Kaysar Cabdilaahi Maxamed