Madaafiic lagu weeraray Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

image

 

 

 

 

Wararka ka imaanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay madaafiic tiro ah lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdaan, ayaa 1-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay laga maqlaayay Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir iyo Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde.

Ilaa sideed xabo oo madaafiicda ah, ayaa lagu ganay Garoonka Aadan Cadde dhinaca Xarunta Ciidanka Amisom ee Xalane, iyadoo madaafiicda qaarkood ay ku soo dhacday qaybo ka mid ah Degmada Wadajir.

Xaafadaha Buulo iyo Tiin Tiinleey, ayaa waxaa ku soo dhacay dhowr ka mid ah madaadiicda loola dan lahaa Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.

Madaafiicda ku soo dhacday Tiin Tiinleey, ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex ruux oo rayid ah, iyadoo ay laba ka mid ah yihiin caruur yar yar, halka ruuxa 3-aadna lagu sheegay hooyadii dhashay labadaasi cunug.
.
Ciidamada Maamulka Degmada Wadajir oo ku baxay meelaha ay madaafiicda kaga soo dhaceen Degmadaasi, ayaa waxaan jirin wax war ah oo ay weli ka soo saareen.

Saraakiisha ammaanka ee Dowladda iyo Taliska Amisom, ayaan sidoo kale ka hadlin madaafiicda lagu weeraray Xarunta Amisom ee Xalane.

Ma cadde weli halka laga ganay madaafiicdaan oo in loo adeegsado qoriga hoobiyaha.

Salaanmedia/Mogdisho