MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN

(MADASHA SIYAASIGA MADAXA BANAAN)

Madaxwaynaha, madaxwayne ku xigenka,marwada kowaad ee qaranka, marwada labaad ee qaranka, golaha wasiirada iyo labada gole qaran ee jamhuuriyada Somaliland waxaan leeyahay kulu caam wantum bikhayr ama sanad wanaagsan sanadkan sanadkiisa kale ilaahay ha inagu gaarsiyo caafimaad iyo nabadgalyo.

Dhamaan shacabka jamhuuriyada Somaliland meel walba oo ay jogaan waxaan leeyahay sanad wanaagsan,

Kulu caam wantum bikhayr sanadkan sanadkiisa kale ilaahay ha inagu gaarsiiyo caafimaad, nabadgalyo. bash bash iyo barwaaqo.

Shacabka jamhuuriyada Somaliland na waxaan leeyahay nabadgalyadiina ilaashada cadow farabadan ayaynu leenahay hadaynu Somaliland nahaye.

Waxaan idinkula dardaarmayaa meel walbood jogtaan iskuduubni, midnimo, ismaqal, isku tanaasul.

Waxaan kaloo idinkula dardaarmayaa inaad is barbar taagtaan horumarka ka  socda jamhuuriyada somaliland oo aad ka qayb qaadataan sida wadooyinka iyo bilicda magaaloyinka,

Madaxdana waxan kula dardaarmayaa dadkiina hoos u eega oo la socodka badiya

Guntii iyo gunaanaka anigoo ah musharaxa madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland waxaan idinkaga tagayaa kii noo hagaage ilaahay ha inaga yeelo

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,somaliland