Madaxtooyadeenu waa Madaxtooyo Dhego Nugul talaabadda Tvga Qarankana waan Ku Hambalyaynaynaa

tv

Sida aynu La Socono Telefishanka Qaranku kasoo Bilaw Markii la aasaasay Waxa uu hoos iman Jiray Wasaaradda Warfaafinta Wakhtigii ugu Horeysay Waxa Wasiir ka Ahaa warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale Waxaana Markii ugu Horeysay Loo Magacaabay Wariye Axmed Cabdiraxmaan xirsi heelo wakhtigaasi ahayd Doorashadii Wakiiladda ka Hor waxaanan ahaa Shaqaalihii la shaqeynayay anigoo ahaa Camera Man wakhtigaasi kana soo Qayb qaatay Loolankii ololihii Doorashadda ee Baarlamaaka.
Haddaba Maamulkii isaga ka danbeeyay oo Ahaa Cali Fuaad Cabdi Jaamac ayaa Madaxtooyaddu ka Madaxbanaysay Wasaaradda iyadoo shaqaalihii aan ka mid ahaa ee ka Tirsanaa Radiyow Hargeysa ee sida Tabaruca ahaa wax u soo duubi jiray ka Maarmay ama shaqaale keensaday iyaga u gaar ah.

Waxa ku sii Xigay Maxamed Muuse Diiriye oo Noqday Agaasimihii sedexaad ee Tvga Qaranka Hawlaha Maamul ee Tvga iyo wasiirka warfaafinta sidan ay hadda tahay unbay ahaydoo Muran ayaa ka dhex dhici Jiray kala faquuqaasina wuu Taagnaa Labadda meelood inkasta oo Agaasime diiriye waxqabad ka sameeyay Telefishanka qaranka haddaba is xag xagaxagashada Maamul ee wasiirka iyo Agaasimaha Madaxbanaanida is bidaya way Taagnayd.

Agaasimihii Afraad ee Telefishanka Mr Axmed Saleebaan Dhuxul isna waynu ka dheregsanahay Wasiir Boobe iyo halkay gaadhay .

Maadaama ay sidaasi tahay Labadii Meeloodna isku xarun keliya ku yaalaan Talaabadda ay Madaxtooyadda Somaliland Gaar ahaan Madaxweynuhu ku hoos geeyay Wasaaradda warfaafinta Talaabo geesinimo ah ayaan u arkaa Madaxweynahana waan ku Hambalyaynaynaa Waxaanan Madaxtooyadda u arkaa Madaxtooyo dhega nugul oo Danta shaqaalaheeda iyo maamulkeedaba Wadda.

Madaxtooyadda Somaliland ha lagu hanbalyeeyo Talaabaddaasi ay qaaday markaasi ayuu iman karaa Horumarka Wasaaradda warfaafintu .

Wa Bilaahi al tawfiiq

Qalinkii Mohamed mussa inji 
Hargeysa
Somaliland 
email: somalilandradio@gmail.com