Madaxwaynaha Dawlad Degaameedka Etoobiya iyo Waftigiisii oo Goor-Dhow Ka Duulay Heatrow Airport Una Sii Jeeda Dalalka Asia.

London(SM) Jimce jan 24,2014.Madaxwaynaha Dawlad degaameedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisii oo Booqasho hawleedku joogay dalkan Ingiriiska iyo Qurbajoogta UK ayaa  ka Qaybqaadashada Isbedelada iyo Qorshayaasha ka Socda Deegaanka Sida Horumarka, N/galyada, Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba iyadoona ay kaalin Muuqata ka Qaataan Hawlaha Qaranka Sida Socdaalkii Baalka-Dahabka ay ku galeen Soomaalida UK ee Lagu iibsanayay Saamiyada (Bond) Biyo-xidheenka Qarniga ee Wabiga Wayn ee Abbay.

dc02ab9e6fe774a18881ed2a8d08d321

Dhanka kale Qurbajoogta ka soo Jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay ayaa wacdaro soo shaacbixiyay Heerka iskuduubnidooda ku salaysan in Shacabka Neecawda iyo rajada Nololeed la kowsaday Intii Xukuumada uu Hogaankeeda hayo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar jirtay kana soo kabtay hagardaamadii iyo Dibindaabyooyinkii UBBO dhaxalsiisay in aan dib loogu Celin taasoo ay Wadajir Cawda uga jareen Wax lagu Magacaabo UBBO iyo Maydhaxdeedii in lagu Arko cariga Ingiriiska gaar ahaan London taasooy marag ma doon u ahayd Socdaalkii Madaxwaynaha uu Dhawaan ku Tegay London.

 

Hadaba Madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisa oo aad u Bogaadiyay Natiijadii iyo Sida Meeqaamka Sare ahayd ee uu Socdaalkoodii Hawleed ee ay London ku joogeen ayaa shalayto ka Duulay gagida Diyaaradaha London(Heatrow International Airport),islamarkaana u sii Jeeda Dhanka wadamada Indhayarta(China) la isku yidhaahdo sii ay u sii ambaqaadaan wajigii 2aad ee Socdaalkooda Dhanka Asia si ay Aqoon Kororsi Dhanka Beerista Dalagyada Bariiska iyo Sonkortaba ula soo Yeeshaan si ay Heshiisyo Heer Calami ah ula soo galaan.

1495b6dd7132d237ce8626198790940fcdd90feea98f21b9fbfb10ab1b63e0ec

 

 

 

 

 

 

 

la soco Wixii faahfaahin ah iyo hawlaha dalalka Indhayarta ay Madaxwaynaha iyo waftigiisu kala soo xaajoon doonaan.

Salaanmedia/London