Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo gaadhay Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta u amba baxeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Addis Ababa, iyadoo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka socda Xukuumada dalkaasi.

Madaxweynaha, ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalo shirka 22-aad ee Madaxda Midowga Afrika kaga furmanaaya Xarunta Wadanka Itoobiya.

Shirkaan oo socon doono muddo laba cisho ah, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan, iyadoo lagu soo hadalqaadi doono xasarada ka taagan Koonfurta Suudaan iyo hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya.

Sidoo kale shirka Madaxda Afrika, ayaa lagu wadaa in Arbacada berito ah uu furmo, iyadoo gelinka dambe ee Khamiistana la soo gaba gabeen doono, sida ay wararku sheegayaan.

Dhanka kale Magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Midowga Afrika, waxa uuna horudhac u ahaa, midka berito ay lee yihiin Madaxdu.



 

Salaanmedia/Mogdisho