Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta saacada London 3 galabnimo la filayaa inuu kasoo dago Garoonka Caalamiga ah ee Hitrow( Heathrow International Airport)

download (1)

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta saacada London 3 galabnimo la filayaa inuu kasoo dago Garoonka Caalamiga ah ee Hitrow Heathrow International Airport, Waxa safarkiisa ku wehelinaaya marwada Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah golahiisa Wasiiradda.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo maalmihii ugu danbeeyey safar ku joogay dalka Faransiiska ayaa heshiisyo kula saxeexday qaar ka mid ah madaxda dalka Faransiiska. Waxa kale oo madaxweynaha ku weheliya qaar kale oo golaha wasiirada oo iyaguna kasoo qayb qaatay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia uga socday dalka Turkiga.

Weli ma cada safarka madaxweynaha ee London,lakiin waxa la filayaa inuu la kulmo qaar ka mid ah madaxda dalkan Ingiriiska,Jaaliyadda reer Somaliland ee UK iyo arimo caafimaad oo madaxweynaha u gaar ah.

Insha Allah la soco Warbixin iyo Sawiro dheeraada oo ku saabsan safarka madaxweynaha.

Salaanmedia/London