Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ka Qaybgalay Shirka Madaxda Midowga Afrika (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ka Qaybgalay Shirka Madaxda Midowga Afrika (Daawo Sawirada)

tle60Jan 30,2014 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xassan, Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Saffirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyadda.

“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan lee yahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ah uga gaarto hiigsiga agendaha 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaaga, cadaaladda, iyo horumarka dhaqaalaha.” ayuu sii raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan, ayaa waxaa la soo af-jarayaa berito. Madaxweynahana wuxuu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.
tle61tle62tle63tle64tle65