Madaxweyne Siilaanyo Oo Barito Liverpool Kula Kulmaya Jaaliyada Reer Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo Oo Barito Liverpool Kula Kulmaya Jaaliyada Reer Somaliland

January 31st, 2014 

 SIILAANYO BARIGA

Hargeysa, January 31, 2014 (Haatuf) – Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maanta London uga baqoolo dhinaca magaalada Liverpool ee ku taala badhtamaha galbeedka dalka Ingiriiska iyadoo uu barito booqash ugu tagi doono nin ay walaalo yihiin oo ku jira cusbitaal halkaa ku yaala, isla markaana galinka dambe kulan la qaadan doona dadka jaaliyada reer Somaliland ee degan magaalooyinka ku yaala badhtamaha galbeedka dalka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin Shiffield iyo Manchester.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo booqasho nasasho ah toodobaadkii hore ku yimid dalka UK ayaa qaar ka mid ah website-yada cadowga ku ah Somaliland ay faafiyeen warbixino been ah oo caafimaadkiisa wax ka sheegaya.

Sida uu Haatuf u sheegay gudoomiyaha Telefishanka Qaranka Somaliland ee UK Mujaahid Cabdi Bacaw, Madaxweynaha iyo xubnaha qoyskiisu waxay dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafay ku sugnaayeen goob lagu nasto oo ku taala duleedka London.

Mr Bacaw oo arintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Intaan madaxweynaha arkayey wali maan arag maalin uu maanta ka caafimaad wanaagsan yahay, cimriga, caafimaadka iyo irsiqa Illaahay baa haya. Kuwa caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo wax ka sheegayaana shuquladii Illaahay bay galeen oo iyaga waxba ku sii tiigaali maayo.

Laakiin siyaasadu markay halkaas oo kale kula gasho ma jirto raqiisnimo iyo sufiihinimo ka hoosaysaa”.

 

Source: Haatuf News