Madaxweyne Siilaanyo oo gobolkii uu ka soo jeeday heshiisiin kari waayay ma sidii madaxweyne Mandela ayuu qaran kala qoqoban isu keeni karaa?

MAQAAL

Tan iyo markii xukunka loo dhaariyay madaxweyne siilanyo ayaa waxa laga bixiyay laba aragtiyood oo iska hor jeeda qolo waxay ku doodaysay in uu yahay hogaamiye fiican oo waayo-arag ah oo dalka ku hogaamin doona siyaasad bisil isaga oo waayo aragnimo ka soo qaatay halgankii SNM ee uu mudada badan hogaanka ururka soo hayay qolada doodan ku adkayd waxay sabab uga dhigayeen mudadii uu gudoomiyaha SNM ahaa laakiin xog bisil oo ay ka hayeen halganka hogaamintiisii sida uu u maamulay kamay hayn,
 
qolada ku waas ka soo hor jeeday waxay iyana ku doodayeen axmed siilanyo SNM oo isku duuban ayaa loo dhiibay markaasuu laba garab u kala jebiyay oo lala kala baxay calan cad iyo calan cas ee ma qaran ka balaadhan ayuu ka soo dhalaalayaa! waxa la yidhi somalidu nin ka ay adhiga kala quusato ayay geela raacsataa!,
 
madaxweyne siilaanyo khilaafka dalka ka curtay ilaa markii Somaliland dowladnimadeeda ay la soo noqotay waxa uu ka ahaa mishiinka dhaqaajinayay khilaafkaas siyaasiga ah, markii ugu horaysay ee madaxweyne  c/raxmaan tuur IHN xilka loo dhaariyay waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee xukuumadaas mucaarida waxa uu markiiba ka horkeenay xubnihii wasiirada ahaa ee beeshiisa ka soo jeeday ee qaybta ka qaatay xukuumadii c/raxmaan tuur hal mar ayay isla wada casileen xubnahaasi waxaanay kala ahaayeen saleebaan gaal oo ahaa wasiirka arimaha gudaha, madaxmed kaahin oo ahaa wasiirka gaashaan dhiga, dukhsi IHN oo ahaa wasiirka cadaalada dhamaantood iyaga oo uu madaxweyne siilanyo dhabarka soo taabtay ayay iswada casileen si uu u fashiliyo xukuumada c/raxmaan tuur,
 
khilaaf kaas siyaasiga ah ee uu abuuray madaxweyne siilanyo waxa uu keenay in dagaal siyaasdeed burco ka dhaco 1992 kii oo uu weliba walaalkii ku dhinto xabadii uu qarxiyay!,
 
waxa kale oo uu ku lug lahaa dagaalkii 1993 ka dhacay magaalada berbera oo uu hoosta ka hurinayay garabkii SNM ee calan casta la-ahaa kuwaas oo suuto geliyay inaanay shaqayn xukuumadii c/raxmaan tuur IHN mar walba waxa uu ku dadaali jiray in aanay isfahan siyaasdeed yeelan labada beelood ee ugu waaweyn ee gobolka togdheer degan taas oo uu maslaxad siyaasadeed uu isaga ugaara u arkaayay waxaanu marwalba xulfi siyaasadeed ka raadinayay beesha hargaysa deeganka u ah ( sacad muuse) taxaaluf kaas oo loo bixiyay jeegaanta ama isu boodada!,
 
nacaybkii uu bulshada reer burco iyo siyaasiyiintooda uu dhex dhigay waa tii dagaalkii 1995 kii ka dhacay burco uu hogaanka u hayay gudoomiye saleebaan gaal oo markaas dagaalka burco u soo raray  taasina waxay ka dhalatay khilaaf kii siyaasadeed ee madaxweyne siilanyo bilowgii burco ka abuuray somalidu waxay tidhaah daa wadaanta faylka ka xumaataa isha ayay la tagtaa!
 
madaxweyne siilanyo marnaba muu ogolayn inay isfahmaan labadaas beelood ee uu mid ka dhashay bal maxaa ugu jiray aan khasaare siyaasadeed ahayn iyo xasarad? somalidu waxay tidhaah daa haani gun bay ka tolontaa! hadii aanad gurigaaga ka bilaabin oo dhibaatada taala xal u raadin guri kale oo gubanaya ma bakhtiin kartid!,
 
madaxweyne siilanyo waa nin kaas adhiga raaci kari waayay ee geela loo dirsaday! gobolkii uu ka soo jeeday ee uu khilaafka u horseeday ayuu xal u la yahay ee ma qaran ka balaadhan ayuu dhibtiisa xalin karaa? waa siyaasi aan umadiisa horumar u horseedi Karin xitaa lama odhan karo waa nin qoys hogaamin kara waayo waxa uu dariiqii siyaasadeed ka lumiyay beeshii uu ka soo jeeday lama odhan karo waa hogaamiye qaran waxa keliya ee la odhan karaa waa dagaal ooge dhab ah!,
 
maalintii uu madaxweyne riyaale xukunka ku wareejinayay waxa uu ku yidhi axmadow dal iyo dad midaysan ayaan maanta kugu wareejinayaa! waxa uu ogaa xanta siilaanyo oo uu ogaa inuu qaranimada qabyaalada ka jecelyahay! taas ayaa hadalka ka keentay madaxweyne riyaale si beri ka maalin ay sumad ugu noqoto hadalkaasi, 
 
waa kaas madaxweyne siilanyo dalkii dib ugu ceshay qolo qolo iyo shirbeeleedyo is daba socda xitaa xisbigii siyaasadeed ee uu salaanka siyaasada ku soo fuulay ee kulmiye ayuu reer reer u kala fadhiisiyay beelo badan oo markaas taageero buuxda siiyay ayaa ka biyo diiday markii ay arkeen inuu awrkiisa uun ku kacsanaayay oo aanu qaranimo dan ka lahayn!,
 
madaxweyne Siilanyo xanuunka uu burco dhex dhigay xal haw raadiyo inta uu qaran aanu awoodin taladiisa isku mashquulinayo!.
 
 
Aadan Axmed Nuur