Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku biiritaanka ciidanka Ethiopia Amisom ku sheegay mid aan loo baahneyn

image

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayaa ka hadlay ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.

C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inaan xilligaan loo baahneyn in ciidamo Ethiopia ay ku biiraan howlgalka Amisom, isaga oo sheegay in xitaa aan loo baahneyn in ciidamada Shisheeye ay siijoogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye wuxuu tilmaamay in ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan ay wanaagsan tahay inay isaga baxaan dalka, Dowladda Soomaaliyana ay ku dadaasho sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay ugu filnaadaan ammaanka dalka.

Dowladaha lacagta siiya Amisom, ayuu sheegay inaysan dooneyn inay dhismaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed si ay cagahooda ugu istaagaan, taasina laga rabo in madaxda dalka ay fahmaan ayna ku dadaalaan sidii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed loo dhisi lahaa.

“Madaxda Dowladda waxaa lagaa rabaa inay la hadlaan Dowladaha lacagaha badan ku bixiya Amisom oo ay dhahaan waxyar ayaa ciidankeena ku baxaya ee ciidamadeena waan dhisanaynaa”Ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan.

Mar uu soo hadal qaaday Dagaalamayaasha Shabaab, wuxuu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka ay Dowladda kala soo horjeedaan, isaga oo ku yiri(Dhiig muslim oo la daadiyo nina jano kuma galo).

Dalka Soomaaliya hada waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Dowladaha deriska la’ah Soomaaliya, kuwaasi oo ku shaqeeya magaca Amisom, waxaana bil waliba ku baxa qarash badan oo aysan helin ciidamada Dowladda.

Salaanmedia/Mogdisho