Mareykanka oo ka digay in Al Shabaab ay weeraro ka geysato Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi

image

 

 

 

 

Sirdoonka Mareykanka, ayaa waxa uu helay xog tilmaameysa in Ururka Al Shabaab, ay qorsheynayaan weeraro abaabulan oo ay ka geystaan tiro ka mid ah dalalka dhaca Afrikada Bari.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Mareykanka James Clapper, ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay ku hawlan tahay, sidii ay weeraro kaga geysan laheyd dalalka jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Dalalkaan, ayaa waxay qayb ka yihiin Wadamada Midowga Afrika ee ay Ciidamadu ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, la dagaalankana kula jira dagaal-yahanada Al Shabaab.

Taliyaha, ayaa xusay in ay suurta gal tahay in Al Shabaab ay weeraro cusub ka fuliso gudaha dalka Kenya, kadib weerarkii lagu wiiqay Rugtii ganacsiga ee Westgate (21 Sep. 2013).

Mr. Clapper oo kulan la qaadanaayay Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Odayaasha Mareykanka, ayaa hadana tilmaamay in Kenya ay sare u qaaday feejignaanteeda ka dhanka ah weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Mareykanka, ayaa Dowladaha Geeska Afrika kaga digaaya weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

Al Shabaab, ayaa marar kala duwan ku goodisay in ay weeraro ka geysan doonto dalalka ay Ciidamadu ka jooggaan Soomaaliya, taageeradana u fidinaaya Dowladda Federalka.

Salaanmedia/Mogdisho