Maxaad Ka Taqaan Awoodda Alle Iyo Abuurtaada? Qalinkii: Siciid Xagaa Afrax

Siciid-Xagaa-AfraxWaa qormo ka hadlay awooddaha ilaahay iyo abuurta wanaagsan ee uu dadka siiyey, xikmada ku duugan qayb kasta oo jidhka bani’aadamka ka mid ah, faa’iidooyinka ay u leedahay aadamaha

Qaybta 1aad

Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu inoo sameeyay qaab abuuris tii ugu fiicneyd, waxaannu xubin kastaa oo ka mid ah jidhkeena ka yeelay mid leh mucjiso iyo micnayaal badan oo ku hoos qarsoon.

Dad badan ayaa ka war la’ xubnaha jidhka iyo sida saameynta ay u leeyihiin,waxaana laga yaabaa in aad qariibsato amma aad is tidhaa caqli-gal maaha, haddana ogow waa wax jira oo la-tajribeeyay (la-tijaabiyay)

 

Khubaro badan oo muslim iyo gaalba leh ayaa soo saaray tilmaamo badan oo jidhka bani’aadamku leeyihiin, wax kasta oo cilmigaa ka mid ahna meesha ugu horaysa ee laga tixraacay waxa ay tahay Kitaabka Alle iyo sunnaha nabiga (SCW).

Haddaba, akhristow waxaan kuu soo gudbinayaa qaybtii kowoaad lix qeybood oo ka mid ah cilimiga iyo aqoonta loo yeeshay wax badan oo jidhka Bani’aadamka ka mid ah.

SANKA: marka laga hadlayo sanka kama hadleyno sida uu u sameysan yahay iwm, laakiin wax urinta waa waxa ugu horreeya ee lagu yaqaan, waana dareen laba macno gudbiya caraf (udgoon) iyo ur (qudhmuun). Haddaba, urintaa maxaad ka ogtahay ? Ogsoonow sankaaga wuxuu urin karaa xagga carafta amma udgoonka 50,000 (kontan kun oo caraf).

MAQAARKA: Jidh kastaa uu Alle abuuray wuxuu u yeelay midabo kala duwan, mid kastaana waxaa ku hoos jira xigmad. Baadhitaan badan oo maqaarka ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saacad kasta uu maqaarka bani’aadamku uu daadiyo 600,000 (lix boqol kun) oo walxo yar yar ah. Haddana dib u sameysma walxahaasi waa maqaadiirta eebbe.

DAANKA: Waa midka inoo haya dhismaha uu alle u sameeyay ee gowsaha, waa midka ugu shaqada badan maalin kasta, ha noqoto hadalka afka ka soo baxa xidhiidh buu la leeyahay, dhaqdhaqaaqa gowsaha ee riidqidda amma ruugidda xidhiidh buu la leeyahay, haddaba ma ogtahay in muruqa ugu awoodda badan ee jidhka bani’aadamka in uu yahay muruqa daanka.

FARAHA: Musjisaadka Alle subxaanahu watacaalaa waxa ka mid ah sida uu u sameeyay faraha bani’aadamka, waxyaabaha tusaalaha loo soo qaadan karoee faraha waxaa ka mid ah; Ma jirto qof qof uga eeg faraha, waana tan aad maqasheen amma aad aragteen qofkaasi faro ayaa laga helay. Waa xigmadda Alle.

ISHA: Isha aadmiga waxaa ku jiro wax aadan maleysan karin arageeda iyo wax ku hoos qarsoon.cilmi-baadhis la sameeyay ayaa la ogaaday akhristow in Isha bani’aadamka ay kala saari karto 10 milyan oo midabo kala duwan ah, ka waran in aad awoodaas aad leedahay. Laakiin, aysan kuu muuqan, ku darso oo isha bani’aadamka waa sida kamarad casri ah (Digital Camera) oo kale, taasoo leh 576 megapixels (cabbirka kamerada),halka maanta aad la yaaban tahay kamaradan waa dhowr iyo toban megapixels oo qaadi karata sawiro HD ah.

MASKAXDA: Ma maqashay maah-maahda Soomaalida isticmaasho oo ah; ‘Qalbi dadeed xaashi maaha’ oo micnaheedu tahay; waxaan la qorin miyaan xusuusan karaa. Haddaba,  ma ogtahay, mise ka warqabtaa in Alle uu kugu maneystay maskax, muddada xusuusta ay qaban karto hal milyan oo bilyan oo walxo  kala duwan oo macluumaad ah. Maka faa’iidaysataa haddii ay jawaabtaada tahay maya ogow waad leedahay.

 

Qalinkii: Siciid Xagaa Afrax sxagaa@hotmail.com.

FG: Xogaha qoraalkan waxaan ka soo tarjumay  – factslides