Maxamed Muuse Diiriye waa Masuul hanan kara xilka loo magacaabay haddii lagula shaqeeyo

Maxamed Muuse Diiriye waa Masuul hanan kara xilka loo magacaabay haddii lagula shaqeeyo

MAQAAL

Waxaan aad u hambalyaynayaa Maxamed Muuse Diriye Xilka Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee loo magacaabay. Maxamed oo aan muddo aqaanay ilaa waqtigii uu ahaa Xildhibaan Golaha Wakiilada ah waa Masuul Hawlkar ah, hal abuur leh oo bulshaawi ah Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu Masuuliyadaa loo magacaabay u fududeeyo.

Maxamed Muuse ayaa noqonaya masuulkii afraad ee xukuumadda Silanyo u magacwday Xilkan Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, marka lagu daro Guddoomiye Axmed Cumar Xamarji oo xilkaa iska casilay usbuuc ka hor markii uu sida la xaqiijiyey u madax bannaanaan kari waayey masuuliyadii iyo awoodii uu ku magacawnaa ee gobolka.

Gobolka Togdheer waa gobol balaadhan oo xasaasi ah una baahan Masuul daacad ah oo u madax bannaaan go’aamadiisa maamul iyo weliba inuu helo misaaniyad ku filan masuuliyadda baaxadda leh ee laga rabo. Aniga oo ku hanweyn in shakhsi ku habboon loo magacaabay gobolka waxaan warwer weyn ka qabaa in Xukuumaddu kula shaqayn waydo masuuliyadda loo igmaday, gaar ahaan wasiirada awoodda badan ee ka soo jeeda gobolkaas.

Waxaan bulshada reer Togdheer ugu baaqayaa inay si aan kala hadh lahayn u soo dhaweeyaan ulana shaqeeyaan masuulkaa cusub ee loo soo magacaabay Gobolka.

Cabdi Xaliim Maxamed Muuse
18 January 2014