Milicsiga Tallaabooyinkii u Tisqaaday Xukuumadda Sanadkii Tagay Ee 2013-kii

January 1st, 2014 Comments Off

By: Cumar M.Faarax Q.2-aad
Madaxweyne axmed Siilaanyo

Tabaalo-baxa Waddooyinka
Sanadkii tagay ee 2013-kii waxa xukuumadda Somaliland ay juhdi iyo tamar-ba gelisay tayaynta waddooyinka dalka, waxa dayactir lagu sameeyay jidad badan oo ku yaala dalka. waxa xusid mudan in dawladda Somaliland oo ku tashanaysa shacbigeeda inay u badheedhay inay dhagax dhigto jidka dheer ee isku xidhnaanta dalkana kaalinta weyn ku leh ee u dhaxeeya Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo,kaasi oo dhererkiisa lagu qadaray 370 KM.

Qorshuhu waxa uu yahay in sanadkan cusub ee 2014-ka la dhamaystiro 100-kii KM ee u horeeyay jidkan oo ay ka qeyb qaadanayaan xukuumadda, Goleyaasha Baarlamaanka, Ciidammadda iyo shaqaale weynaha dawladdu, kuwaasi oo Hay’ad kastaaba ay qaadhaan haynteeddu saamaxaysay ay ugu deeqday sidii looga dhabayn lahaa jidka dheer ee baahida weyn loo qabay isla markaana gobolka Sanaag ka dhigay mid si uga qoqoban gobolada kale ee wadanka.

Marka laga hadlayo dhismaha jidadka waxaan la dafiri Karin kaalinta shariifka ah ee qurbo jooga dalku ay ka qaadanayaan qaadhaan u ururinta horumarinta waddooyinka.Dedaalkan taabo-gelinta waddooyinka waxa xudun u ah Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo wasaaradiisa la hoos geeyay wakaaladda horumarinta waddooyinka. Xukuumaddu waxay sanadkii tagay soo iibsatay oo dalka imanaya dhawaan cagafyo iyo agabka lagu dhiso wadooyinka oo ay ka soo iibsatay dalka China ay u hesho qalab dawladeed oo casri ah oo lagu dhiso jidadka waaweyn ee xukuumaddu bilaabayso horaanta sanadkan cusub ee 2014-ka.
Waxa kale oo sanadkii tagay la meel mariyay xeerka horumarinta waddooyinka oo jidaynaya in tacriifad cusub loogu darro cashuuraha kala duwan ee dalka.

Xarakaatka shiidaalka dalka
Sanadkii tagay waxa kale oo shacbiga Somaliland ku niyaayirteen, una riyaaqeen in markii u horreysay qaar ka mid ah gobaladda barri ee dalka laga bilaabay qorshe riyooyinka qaran ee dalkani beegsanayo inuu mustaqbalka dhow ficil u rogo, waxaanay dalka laga bilaabay qorshe shiidaal sahamin ah oo ay shirkadda caalamiga ah ee Genel Energy ay doonayso inay dibada u soo saarto khayraadka dihin ee dalka. inkasta oo qadiyadaasi ay mar soo waajahday turaan-turooyin yar yar oo sababay in shirkaddu ay ka baxdo dalka, haddana waxa nasiib wanaag ah in dawladdu ay isku shuqushay inay xaliso cabashooyinka iyo caqabadihii shirkadu sheegatay inay soo waajahdo.

Waxaanay shirkadda Genel Energy ay hawlaheedii sahaminta dib uga bilaabaysaa wadanka sanadkan cusub horaantiisa, iyadoo xukuumadduna ay u samaynayso ciidan cusub oo qaabilsanaada goobaha shiidaalka laga baadhayo, kuwaasi oo qalabkooda iyo tababarkooduba gooni yahay. Waxa cutubkan loo bixiyay xoogaga ilaaladda Saliida Somaliland (Somaliland Oil Protection Unit).

Dhismeyaashii Wasaaradaha
Xukuumaddu waxay sanadkii tagay culayska saartay inay wasaaradaha dalka loo dhiso dhismeyaal waaweyn oo dabooli kara baahidooda shaqo isla markaana kor u qaadaya haybadda dawladnimo maadaama oo ay wasaaradaha qaarkood ku shaqayn jireen dhismeyaal la bineeyay kontameeyadii. Wasaaradaha dhismeyaasha waaweyn uu u socdo ama loo dhisay waxa ka mid ah wasaaradaha Boosaha, Ciyaaraha, Beeraha, Xanaanadda, iyo Kalluumaysiga. Waxa kale oo balaadhin iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha wasaaradaha dawladda qaarkood.

La soco….