Mudane Madaxweyne waxaa kuu hadhey mudo sanad iyo badh ah ee maxaa talo kula gudboon? Qalinkii A/rahman Fidhinle

maqaal
Mudane Madaxweyne Waxaad aheyd ruug cadaa usoo marey hogaaminta waadanka dariiq dheer oo qodxo badan lahaa, waxaa codkooda , dareenkooda iyo ikhtiyaarkooda kugu doortey shacabka reer Somaliland, waxay Shacabka reer S/land kuu dirteen oo kuu doorteen in aad u-fuliso balanqaadyadii tirada badnaa ee aad dhaarta ugu martey.waxay shacabku kaa filayeen hogaamin( leadership) iyo aragti dheer.Laakiin nasiib daro taasi may dhicin kadib markii uu-xaalkaagii uu noqdey himbirriirsi, waxaad tacabkii shacabkii ku doortey aad ka dhigtey hal bacaad lagu lisey. Waxaad hantidii maguuraanka aheynd ee ummadda u-dhaxeysey aad ku gufeysey beelo muskood iyo miscirirtood.
kadib markii aad salka dhigtey qasriga madaxtooyada ayaa waxaa ummadii u-cadaatey in adigii lagu hogaamiyey markii aad isku xeertey duul qaranimada, dawladnimada iyo karaamadii ummada meel kaga dhacey.Waxaad isku xeertey dull gabaara-gurdeynaya oo dan la orod ah oo dilaaliin ah oo hantigii maguuraanka aheyd ee ummadda ka yeelay ” kula lihi oo kaa lihi”. Waxaad isku xeertey duul aan kala garaneyn hantidii qaranka, awoodii qaranka iyo sharciyadii qaranka oo aduunka laga daalacdey iyaga oo khushi talaabsanaya oo ciidanka RRU-da iyo awooda dawladnimo sida ay doonaan shacabka ugu isticmaalaaya.Waxaad isku xeertey duul heerkulkii/xaraaradii iyo hiilkii qabyaaladeed uu meel xun gaadhsiiyey taas oo shacabkii ka dhex abuurtey colaado siyaasadeed, cadaawe siyaasadeed, quudhsi,qaraabo kiil, xiqdi iyo xaasidnimo qabyaalad ku wada saleysan.waxaad isku xeertey duul xuraaminayaa oo qudha xukun dheeraad ah, xilal dheeraad ah, xin,xujo iyo xoolo aan bireysnen oo baadi ah.Waxa ay xukuumadaadii ku soo ururtey fadhiid,madhaleys,may-dhanaan iyo millan qun-yar socod ah oo gacan-wadaagley ah.( waa  shirkadley,  ganacsato, sheerley,dilaaliin wada ah ) Dab-liqa !!
Waxa ay xukuumadaadu goosatey iyada oo aan la tashan hayadihii kale ee qaranimada S/land ku fadhidey in xukuumadaadii gabnowdey ay keligeed isu diyaariso in lagu qalaxo federaalka Somaliweyn. Waxa ay xukuumadaadu ummdii ucadeysey in shacabka reer S/land kala xigaan yuhuunta qaranimada iyo dawladnimada JSL. waxaana ay banaanbaxyadii isdabo jooga ahaa ee dhawaanahan wadanka ka dhacey ay kaaga markhaati yihiin in ay kaala noqdeen shacabkii ku doortey ilaadadoodii iyo kalsoonidii ay kugu doorteen. mudane madaxweyne markii mustaqbalkii ummaddii kursiga ku saartey aad muraayad madow ka gashatey ayaa  hawl-wadeenadaadii xukuumadaadu jebiyeen gebiyadii iyo sohdimihii dawladnimo, milgihii iyo maamuuskii masuulnimo ka dibna  waxaa meeqaamkii dawladnimada JSL biyo dhigay brotakool la’aan, buruud la’aan , burji la’aan iyo barako la’aan kadib markii uu gacanta u-galey bar-barad si yar oo sibiq ah dalqada xeyndaabkaaga u-soo xuluushey oo gurada kuu fadhiistey.Waxa ay xukuumadaadii been abuurtey misaaniyad 5 laab ah oo bilaa tashiil, taxliil iyo turug ah means bilaa-barako taas oo ku saleysan shaqsi-jecleysi, xabkeysi iyo lunsiga hantidii ummadda baahan. Waxaa murugo iyo xasuus shacabka ugu filan oo xusuustooda iyo quluubtooda weli ku duugan sidii ay xukuumadaadu ka yeeshay foodkoodii iyo ilaadadii codkoodii ay aheyd in ay ku-dhiibtaan loona tiriyo si xor ah oo xalaal ah doorashooyinkii dawladaha hoose ee wadanka ka dhacey dabayaaqadii bishii Novembar 2012-kii.Waxaad mugdi gelisey baadi goobkii ictiraaf raadinta iyo  mabaadiidii wax-wadalahaanshaha oo muujin lahaa quruxda,sharafta qaranimada iyo  dawladnimada JSL.
 
Mudane madaxweyne ma waxaad ummada u-tahay adeege shacabkii doortey nolosha u-fududeynaaya?
Mise waxaad tahay dictator taliye ah oo wixii uu maskaxdiisa ka keeno ummadda ku xukumaaya??
Mudane madaxweyne miyaanu xil kaa saarneyn daryeelka danyarta,haybada dalka, ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta iyo habsami-usocodka hawlaha maamul ee dawladeed? Miyaanu xil kaa saarneyn hogaanimta siyaasada guud ee qaranka? Waa maxey istoocsiga, habaqleysiga, habqan socodka iyo hormo-qamaamka joogtada ah ee hawlwadeenadu ay la sibir dhaqaaqayaan? Mudane madaxweyne Siyaasad xumada xukuumadaada maanta  ka taagani waa taariikhdii berito lagugu xusuusan lahaa. Nidaamka siyaasda JSL waxay halkaa ay maanta mareyso ku soo gaadhey oo saldhig u-ahaa nabadgelyo, talo-wadaag, isutanaasul,dimuqraadiyad laakiin intiiba waxaad ka qaadey selel, sas iyo sakati oo dhegaha ayaad ka fureysatey.
 
 Mudane Madaxweyne iyada oo maanta duulaan lagu yahay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland hadana maanta iyo haatan ummadda reer Somaliland uma muuqato milgihii, xeerarkii iyo xeegaanadii ay ku heli lahaayeen ictiraaf buuxa amaba ay ku dhici lahaayeen doorashooyin xor iyo xalaal ah sanadaha soo socda waayo habkeediiba ma haysid.Mudane Madaxweyne “cirmi tegay ceeb laguma sagootiyo” ee waxaa shacabka reer Somaliland kaaga fadhiyaan rishafalkan soo socda halwadeeno wada ah Adeegayaal, Jeheeyayaal iyo mideeyayaal. Isbedel iyo horumar waxaa keeni kara xukuumad run-sheeg ah, xaq-soor ah, daacad ah,dul-qaad iyo naxariis leh, ilaalisa sharciga wadanka u yaala oo ku eekaata xuduudaha shaqadeeda, taas oo meel dhigatey qorshayaal qaran oo cad cad iyada haysata kalsoonidii shacabkeeda,maanta se nasiibdaro xukuumadaadu sifaheediiba ma hayso. Mudane madaxweyne wadanka Somaliland ma qaadi karo beel beel ku qalax. iyo kursi beel loo doonaayo oo lagu curyaaminaayo geedi socodkii horumarkii qarankan yar ee gacantaada ku ragaadey.mudane madaxweyne hadii maanta cimri dherersi iyo mudo korodhis dagaal sokeeye uu u-dhaco oo  uu dhiig u-daato yey galaafaneysaa? Waxay galaafaneysaa inta dibirsan iyo inta doobineysa ee dhibishaxleyneysa ee ku cireysatey dabin isu maleega siyasadeed ee xukun jaceylka awgii illaawey aakhiradoodii. Waxay galaafan doontaa kuwa kursi-jecleysi awgii dadka iyo qabyaalada kala dilaala ee inta ay shaqsi ay lacag ku shubtaan dhaafeen isu  sii diyaarinaaya in ay qabiil dhan iibsadaan. Waxay ay galaafan doontaa kuwa aynu qaraneyno waxa ay galaan iyo waxa ay guudaan ee u-tafoxaytey in ay maruun xeyndaabka madaxtooyada ka dhex toosaan.Waxay galaafan doontaa wakiilada iyo shirkadaha ilma jini boqor ee loo sadburiyey loona sadqeeyey hantidii ummadan baahan in ay kala dilaalaan kana qeyb galaan kala iibsiga kheyraadkii dabiiciga ahaa ee ummaddeena dulman, ooman, safradeysan ee xaqoodii lumey .Kuwaas oo kolba shirkado shisheeye xaqal qalin yar qol-madow kaga qaadanaaya oo hantidii ummadda  ku lunsanaaya, waana iyaga iyo allahood.
 
La soco qaybaha danbe…………….??
 
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Â