Munaasabad Ilyartu Is Qabatay Oo Lagu Dooranaayey Hogaanka Xisbiga UCID Ee Gobolka Sanaag Ayaa Ka Dhacday Magaalada Ceerigaabo

Munaasabad Ilyartu Is Qabatay Oo Lagu Dooranaayey Hogaanka Xisbiga UCID Ee Gobolka Sanaag Ayaa Ka Dhacday Magaalada Ceerigaabo

: Jan 20, 2014 @ 16:18

ceeigaabo_01

Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmada Ceerigaabo uga soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta doortay hoggaan cusub xaflad aad u balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo boqolaal qofi ka soo qayb galeen.

Sidoo kalena caddeeyaay in anay jirin cid iska casishay Xisbigaas, isla markaana kuna tilmaamay been-abuur ay ka danbeeyaan Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, dad sheegay inay iska casileen xilal ay UCID ka hayeen iyo kuwo sheegay inay ka baxeen Xisbigaas.

Xafladdani waxay muujisey taageeradda uu xisbigu ku leeyahay gobolka Sanaag iyo degmadda Ceerigaabo oo ay kaalin weyn ka galeen tartankii golaha deegaanka ee doorashaddii u danbeysay.

Hoos Ka Daawo