Muqdisho oo laga hadal haayo siideesmada Sheekh Xasan Daahir Aweys

aways

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hadal hayaa siideesmada Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhaw todobo bilood gacanta Dowladda ku jiray kuna xidhnaa Xabsiga Hay’adda Nabadsugida ee Habar Khadiijo.

Warar soo baxay, ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys aan si rasmi ah loosiideyn, balse lageeyay guri ku yaalo Magaalada Muqdisho, halkaasi oo Dowladda ciidankeeda ay ku ilaalinayaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka Idaacadaha ka dhageystay warka ku saabsan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsiga laga siidaayay, waxaana aad uhadal haaya arintaan dadka Magaalada ku sugan.

Reer Muqdisho oo intooda badan siyaasada si aad ah ula socda ayaa dhagta ku haaya Idaacadaha Muqdisho oo hadal haaya wararka ku saabsan siideesmada Sheekh Aweys.

Goobaha dadka ay ku kulmaan ayaa waxaa lagu qaxweynayaa arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys, inkastoo weli aan si rasmi ah lookala cadeyn in Sheekh Aweys uu yahay xor iyo in weli gacanta Dowladda uu kusii jiraayo.

Afhayeenkii hore ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cusmaan Caruus, ayaa waxa uu xaqiijiyay in xalay Sheekh Xasan Daahir Aweys laga soo saaray Xaruntii Nabad Suggida, oo uu ku xirnaa.

Sheekh Maxamed Cusmaan Caruus, ayaa sheegay in Ciidan gaar ah oo ka tirsan Dowladda Federalka ee Soomaaliya ilaalo looga dhigay, in ay ka qabtaan Wadaadka ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Arrintaan, ayaa wuxuu sheegay in ay u arkaan mid khalad ah, isagoo tibaaxay inaan Dowladdu looga fadhin in ay Ciidankeeda ilaalo uga dhigto Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Weli Dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin arinta Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Salaanmedia/Mogdisho