Muxuu salka ku hayaa heshiiska Turkiga? By Eng. Faarax Shire

Muxuu salka ku hayaa heshiiska Turkiga? By Eng. Faarax Shire

flagst

Waxaa shir lagu magacaabay heshiisiin somalia iyo somaliland u ku dhexmaray dalka turki wakiilo ka kala socdey ururadii somalia dumiyey ee snm iyo usc. Wafdiyada Shirkaasi waxay ka kala yimaadeen magaalooyinka Xamar iyo Hargeysa waxaana kala hoggaaminayey cabdikarin Xusein guuled oo ka soo jeeda beesha hogaamiyihii USC mohamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa ururadiisa dhallinyarada iyo mohamed mohamed Biixi yonis oo horay u sargaal sare ahaa afrikan development bank kana mid ahaa xubnahii ugu firfircoon ee maal galin jirey xurur beeleedka Snm haddana ah wasiirka arrimaha ee isla dowlad beeleedka S.N.M.

Waxa ugu muhimsan ee ay wada gaareen Labada wafdi urureed ee u kala huwaday magacyada jamhuuriyadda federaalka somaliyeed iyo magaca beelaha somaliyeed ee dega gobollada waqooyi waa cambaarayn xukunkii hore (kacaanka) ee ay dalka ka burburiyeen. Waxaan u malaynayaa in ayna qof somali ah shaki ka gali karin sida ay arrintaa ugu oomanaayeen labada wafdi waayo waxay meesha uga bidhaantay fursad ay uga bixiyaan dambiyadii ay ururadoodu galeen. Waxaa shirka turkigu siiyey labadaba fursad qaali ah oo isku day dambi iska-mayr. Waxaa turkiya la isku tusay fursad laga la iska rogo dunuubtii la galay ee qaran dumin: tacliintii asaasiga ahayd ee somalia tuulo walba gaartay, jaamacado laga aflaxay, caafimaadkii baahay, baahsanaanti shaqo, nabadgalyadii iyo is-dhex socodkii dadka, diyaaradihii aduunka dadku ugu kala gooshayey iyo sumcadii qaranimo. Waxaa kulanka usc –Snm ka midaysnaa raadinta helitaanka meel loo been saariyo dhacaya,dilka, kufsiga umulaha, bad-ku- shubidda dhallinyaradii dalka, kala jarka iyo kala qoqobidda ummadda iyo dhacan uga qaadida dalka soo gelinta nooc kasta ee cadaw yahay. Xukunkii militarigu caruurta somaliyeed wuxuu u hayey daryeel, dugsiyo bilash iyo nabad galyo umulaha, ugubka iyo inta u dhaxaysa ee la kufsanayo eedaankoodana ma dugsan jirin. Kuwii intaa oo arrimood iyo boqolaal silic oo ka sii xun baday somali yaa maanta inta qamiisyo dowlonimo- ku- sheeg gashaday doonaya in ay been taarikh uga dhigaan somali. xukunkii kacaanku (militarigu)wuxuu sii arkayey kana dagaallamay hadaanta jabhado beeleedyadu ku sii wadaan somali oo ah midda maanta ay ku sugantahay.

 

Burbur, kala qoqob iyo kala jarjar dal, beelo beela gumaysta, didin iyo mustaqbal la’aan dhallinyaradii dalka, malyan barki xeryo qaxooti ku basay, laba malyan oo qaxooti ku ah dalal qoosaskii ku burburend hallaankiina ku dufoobey, caruurtii ku luntay, dad qalatada Al-shabaab ee baqtiisay ummadda oo idil, dalkii oo dhan ka noqday qashinqub dhanna shisheeye xaalufiyey.

Waa kuwaa miraha somaliyi ka dhaxashay jabhado beeleedka wakiillada USC-SNM ee turkiya tegay ay rabaan in ay dib u aslaan oo qurxiyaan.

Marka an si kale xagga nuxurka u eegno ujeedooyinka snm iyo usc midina ma doonayn xukun beddel iyo wax wanaajin. Macne badan samayn maayo ku soo koobka waxii dhacay ka hadalka iyo dul yuurursiga samaaynta dagaalka oo kaliyhi in kasto ay xanuun badan sababeen oo cidina inkireen., waxaa macne samaynaya ujeedada cidda dagaalka curisay iyo ujeedooyinka ay kala xambaarsana dowladdii iyo jabhadii diriray.Jabhadihii dagaalka ku soo qaaday dowladda midina waxay doonaysey dal kala go’in (sida ay durbadiiba ku dhaqaaqday)midina gacan sarrayn beeleed.

Waxaa qofka kasta oo garasho wax uun uga dambeeyaan u ogyahay in ayna horay u jirin, jiri doonin dowlad tiri ama dhihi doonta jabhad yaa kala dhantaal dal u soo guntatey ee waan u banaynayaa oo sacabada yaan ka laabanayaa si kasta oo jabhadaasi gabbaad uga dhigato shacbi an waxba galabsan. Dowlad xilkeeda kowaad waa ilalinta midnimada ummadda iyo dhammaystirnaanta dalka. Tusaale waxaa maantadatan ah waxa aduunka ka dhacaya meel kasta. SNM ayada weerar ku soo qaaday magaalooyinkii shacbiga rayadka ahna gabaad ka dhigatay. Suurtogal ma aha in gar ama gardarronimo ahaantii dagaalkii waqooyi(sababti) meesha laga saaro oo laga hadlo kaliya samayntiisii(consequencies) oo la qabyaaladeeyey.

Waxaa shirkii turkiga ka soo baxaysa in ay meelmartay ajendahii SNM oo gabbaad looga dhigay doonitaan wax walba u siideyn wakillada SNM si midnimo- soo-celin loo helo. Runtu waxay tahay heshiiskani wuxuu wadadii kala go’a ee ay ku joogtay ugu sii xaadhay SNM, wuxuuna kala geeyey intii midnimada u guntanayd. Waxaa soo baxay in ugu yaraan dowladda qaarkeed wali riman yahay caqli beeleedkii USC oo usan walwal ka qabin rabitaanka iyo dareenka shacbiga oo idil.

Si kasta oo ay xubnihii USC –SNM ee koofiyadaha Somaliya   iyo somaliland watey ay ugu tartamayeen cambaaraynta xukunkii somaliya ee burburay, haddana wakiilka Snm meeshaa wixii u ka doonayey talaabooyin ayuu horay u dhigay meesha wakiilka somaliya u soo horseeday arrimo halis ku ah (midnimo ku- soo- celin jamhuuriyadda SNM iska dhaafe) sii wada jirka inta hadda wada sheeganaysa midnimo doonitaan sida hoos ka muuqata.

  1. Maamul beeleedka Snm wuxuu helay aqoonsi dambi la’aan
  2. -Wuxuu helay aqoonsi in beeshiisa dambi gaar ah laga galay taaso ay ka soo degaandegayso in magdhaw la siiyaa SNM.

-Waxaa loo aqoonsaday oo laga aqbalay in u xoog ku haysto degaano beelo kale oo bannaanka la taagan rabitaan midnimo, waxuuna ku  guulaystey in wakiillada beelahaasi laga xannibo wafdiyada iyo fagaareyaalka midnimada looga hadlayo marka laga reebo kuwa yar oo SNM la shir timaado.

Talo

Aniga waxay ila tahay  in midnimo ku- soo-celinta loo maro dariig ku salaysan runta, danaha dhabta ee an dadku ku kala maarmin iyo sidii wax u dhaceen ee an la qaadin mid ku salaysan sasabid iyo madax salaax been ah oo cidna ka degeen.

In daraasad dhab ah oo ujeedadeedu tahay raadin faham wixii dhacay, isfafaham iyo dib- u- walaalayn lagu sameeyo wixii dadka ka soo gaaray dowlad, jabhado iyo xataa wixii asaga kala gaarey.

In wada hadallada maamulka Hargeysa iyo DFS loo xil saaro wixii hadda ka dambeeya (siiba xagga dfs)dad aqoon iyo xog ogaal u leh wixii somalia ka dhacay iyo waxa ka jira kana sare kacsan caadifado beeleedyada meesha xilka leh somali wada dhigay. In lagu biiriyo wadahadalka shakhsiyaad haybad qaran leh iyo tiro madax dhaqameed asali ah oo aad kooban oo si madax bannaana ay iskaga soo dhex xulaan madax dhaqameedkii soo jireenka ah ee somaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Dadka hadda hawshaa wadaa dhan kasta oo laga eego ma aha kuwo si san uga miro dhalin kara.

Waxaan ugu yeeraya sida oo kale dowladda iyo barlamaanka in ay si an ka meermeer lahayn looga noqdo dhaleecaynta an ku salaysnayn wax faaqidaad cilmiyeed ah oo la sameeyey (assesment) ee sida caadifada degdegta ahi ka muuqato dusha looga ridey dowladii dhacday (dowladii kacaanka, dowladii militariga cidiba say u jeceshahay.). Haddaan sida ugu jilicsan u sheego ma jirto meel somaLiyi daraasad loo bato ku samaysay oo ku melaysay aragtideeda la xiriirta nidaamkii dowladaas.wixii ka soo haraa meelaynta caynkaas ah waa aragti shakhsiyeed ama kooxeed mana aha wax loo xilsaartay ama dowladi ka dhigi karto fakar u qabo shacbi somaliyeed. mowqifka caynkaas ahi wuxuu dhaliinaya oo kaliya dib u soo fagid xumaato, kala geyn iyo sii fogaansho dib-u heshiisiineed.

Dowladii kacaanku waxay ahayd dowlad somaliyeed oo idil, somali oo dhan yaana xaq u leh, xataa mid mid ahaan, in ay fakarkeeda ugu dhibaato lakiin mowqifka dowligu wuxuu noqonayaa midka qiimayn loo dhan yahay ka dib dadku qaato; ma noqon karo mowqifka dowligu mid shakhsiyaad ka soo jeedaa usc iyo snm oo xukunkaa la dagaallamay kaligood ka dhigaan mowqif somali u dhantahay, sida turkiya ka dhacday. Cabdikariin Xusein Guuled iyo Cabdullahi sh. Ismaaciil wakaalad ugama haysantaan somali cambaarayn caynkaas ah. Xataa madaxweyne iyo ra’iisulwasare uma haystaan carte blanche arrin baxaadda leh.

 

 

Qalinkii: Eng. Faarax Shire

Aachen, German