Nin Soomaali ah oo arin aad u yaab badan dalka Jarmalka ku sameeyay

Nin magaciisa lagu soo gaabiyay Saalax ayaa lagu soo eedeeyay in uu ka mid ahaa koox madax furasho u haystay markab laga leeyahay dalka Jarmalka markabkaas oo siday kimiko tanker laguna magacaabo Marida Marguerite .

Waxaana saarnaa shaqaale tiradoodu ahayd 22 ruux,markabkaas oo la haystay inta u dhaxeysay bishii May ilaa bishii Decembar sanadkii 2010, saalax waxa uu soo galay dalka Jarmalka .

Sanadkii tagay 2013 isagoo isku dhiibay magac aan kiisa ahayn, Saalax in uu ka mid ahaa af duubayaashii markabka Jarmalka waxaa lagu ogaaday, farahiisa oo hada ka hor looga qaaday markabka dushiisa iyo farihii laga qaaday kolkii uu jarmalka weydiisanayay qaxootinimada ayaa isku ekaaday,sidaas ayaana lagu ogaaday in uu ka mid ahaa raggii af-duubtay markabkii laga lahaa Jarmalka, sida ay qoreen wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Jarmalka.

saalax

Markabkaas ayaa sii deyntiisa waxaa ku baxday lacag gaareysa 4.2 millon iyadoo af duubayaashu ay codsadeen lacag dhan 11 millon, Saalax ayaa maxkadii ugu horeysay la soo taagay taariikhdu markey ahayd 21.1.2014 iyadoo maxkamada 2-aad loo balan san yahay 29.1.2014.

Saalax waxa uu dhashay 21.10.1969 wuxuuna ku dhashay Somaaliya, waa xaasle dhalay 4 caruur ah.

Cabdirashiid Shaam Germany