OGAYSIIN:GOLAHA DHIBANYAASHA DHUL-BOOBKA HARGEISA ” GDDH”

  MAQAAL
 
Waxa  Hargeisa  ka dilaacday  Dhul-boob  , ay ku bahoobeen   Mayor Solteco, Xildhibaan Timacade iyo dilaalka wayn ee  Reer Hargeisa   “ Gaashan  Real Estate “.  Qaabka ay u shaqeeyaana  waa sidatan :
 
A)   “  Gashaan Real Estate ” wuxuu soo hubiya dhulka  danyartu dhisan kari wayday, ama Qurbajoogto ka maqantahay.  Wuxuu kale oo uu diyaar gareeya cid  ku qabsata ama  sheegata  dhulkaas .   B)  Madaxa Qaybta Dhulka  Dawladda Hoose Xildhibaan Timacadde ayaa qora  warqad ogaysiin ah inay cidii dhulkaas sheeganaysa muddo  30 cisho gudahood ah  ku yimaadan Xafiiskeesa.C)  Haddii ay soo xaadiri wayaan   ciddi  dhulka asal ahaan iska  lahayd  , oo inta badan  Qurbajoog  ama Danyara , waxa sharci loo sameeya  ciddi ku qabsatay ,waxaana  saxeexa Mayor Solteco iyo Xildhibaan Timacadde D)  Dhulka waxa markiiba   qiimo hoose ku iibaya “ Gashaan Real Estate    E) .Qofkii lahaa haddii uu ka war-helo in dhulkeesi la iibiyay oo uu  yimaado Dawladda Hoose, waxa lagu yidhaahda : Dhulkaa waa lagagu qabsaday, waa lagu soo ogaysiiyay, waanad ku imaan wayady waqtigii laguu qabtay.
 
Ilaa iyo iminka inta la hubo, Bloodhada la iibiyay waa 17 bloodh, oo wadar   qiimahoodu kor u dhaafayso  $ 510,000/=.  Waxay  ku kala yaleen Xaafada Xero Awr, Badda Cas, Gacan Libaax, iyo Axmed Dhagax .Dadkii dhulka laha qaarkood waxay hor  dhoobanyheen  Dawladda Hoose iyo Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Hadaba si looga  hortago aafada ku habsatay Caasimadda Hargeisa, waxaanu samaynay  Golaha Dhibanyaasha Dhul -Booka Hargeisa  , oo ujeedooynkiisa ka mid yaheen :
 
  1. Tirokooba &  diiwan gelinta  dhibanyaasha iyo midaynta  cududooda   sidii ay wadajir ugu qabsan lahaayeen   Garyaqaan adag .
  2. Qorista  dacwad iyo cabasho  ay  u gudbiyaan  Xafiiska Wasiirka Madaxtooyadda, Wasaaradda  Arrimaha Gudaha  iyo  Xafiiska la Dagaalanka  Musuq-maasuqa.
  3. Wacyigelinta  iyo baraarujinta  bulshda Somaliland ee hantida ma guurta ah ku leh Caasimadda Hargeisa.
 
Hadaba, dhamaan dhibanayaasha dhul boobka   waxa laga codsanyaa inay Magacyadooda oo saddexan iyo cinwaankooda u soo gudbiyaan Xoghaynta Dhexe “GDDH”  ee Hargeisa.
 
 
 
Eng : Abdi Kahin, Xoghayaha Guud  “ GDDH”  Hargeisa.