OGAYSIIS: SHIRKA 1DA MARCH 2014 EE QURBAJOOGTA ISAAQ EE DEEGAANKA ISMAAMULKA SOMALIDA EITHOPIA.

image

OGAYSIIS: SHIRKA 1DA MARCH 2014 EE QURBAJOOGTA ISAAQ EE DEEGAANKA ISMAAMULKA SOMALIDA EITHOPIA.

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaanba qurbajoogta ku nool UK iyo dalka kale ee Yurub imanakara ee ka soo jeeda degaanka ismaamulka Somalida Ethopia gaar ahaan degaanka Beesha Isaaq in shir balaadhan lagu qabandoono magaaladda London 1da March 2014.

Shirkaas oo ay gaban qaabinayaan Guddida Guud ee Qurbajoogta Deegaanku ee imika weli xilka sii haysa.

Shirka waxaa lagu lafa guridoona baahida degaanka wixii ka qabsoomay dhinaca dawladda iyo waxa weli dhiman in la dabagalo intii ay beeshu is abaabushay lana kulantay dawladda, inkastoo horeba ay dawladu wax u qabatay tabashana jirtay.

Waxaa kale oo iyana ka mid ah qodabadda shirka sidii loo tayanlahaa, loona xoojinlahaa Guddidda iyo in laga wadda hadlo sida ugu haboon ee dawladda wax loola qaban lahaa waxna lagoo qabsan lahaa wadda jir.

Diirigelinta Ilaalinta nabadgelyadda dhinaca beelaha deriska iyo beeesha dhexdeedaba iyo xasiloonidda degaanka guud ahaanba ayaa iyana ka mid ah qodobadda ugu mudan shirka.

Haddaba shirka waxaa lagu qabandoona Selby Centre, Selby Rd. Tottanham N17 8Jl maalinta saabtidda ee 1da March 2014. Shirku wuxuu bilaabmidoona dhamaanadoona saacadaha 13:00 – 18:00.

Dhammaanba ka soo qayb galayaasha waxaa lagu adkaynayaa in ay xiliga kulanka dhawraan.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh:
Maxamed Xasan Jafaal 079808424673
Xuseen Saleeban Dantiihaye 07930636823

Wabillahi Tawfiiq