Qaadka iyo Khamriga: Qaadku Waa Afo Ka Halisan Khamriga – Qoramaddii Labaad

Qaadka iyo Khamriga: Qaadku Waa Afo Ka Halisan Khamriga – Qoramaddii Labaad

Maqaalkani waxan uu ka mid yahay maqaalo taxana ah oon kaga xoogg warami doono wixii aan ku soo arkay Somaliland muddadii aan boqashada gaaban ku joogay – 29 November  to 28 December 2013. Maqaladaasi waxaan halku dhag uga dhigay –  Maxaa Somaliland Dabar iyo Seeto ku ah horumarkeedda?

 

Qormada maqaalkan, waxaan kaga xog warami doonoo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee  ku hayo bulshaddeena maandooriyaha Qaadku (psychotic drug). Waxaan kaloon is barbardhig ku samayn doonaa dhibaatooyinka caafiimad xumo ee uu qaadka iyo khamrigu ku leeyihii caafimaadka iyo fayqabka bani aadamka. Waxaa kaloon maqalkani isdultaaggi doonaa sababta Somaliland qaadka ka ganacsigiisa looga ogol yahay, halka ka ganacasiga khamriga uu mamnuuc u yahay – iyo dhinaca kalena milicsan doonaa – sababta dalalka baadhitaanka ku sameeyey mandooriyaha qaadka ay dalalkooda uga mamnuuceen qaadka halka ay ogal yihiin ka ganacsiga khamariga. Maxayse Diinta Islaamku iyo dalalka Islaamku ka qabaan isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaasha. Waxaanu maqaalani ku doodayaa in Qaadku halistita uu ku yahay caafimdka  ka wayn tahay tan khamriga, siddaasi daraaddeed dabar iyo seeto ku yahay horumarka Somaliland.

 

Balse (the limitation of this article), maqaalkani kama hadlaayo si qoto dheer, maadooyinka qaadka ku jira ee ka dhigaya mandooriye khatar ku ah caafimaadka Aadamaha, haddaadse doonayso inaad taasi ogaato boqqo, maqaaladaan hore qaadka uga qoray oon ka soo xigtay, the New England Medical Journals oo daraasad (research)  qaadatay shan sano ku sameeyey lix  qof oo Soomaaliya (afar raga iyo laba dumara) oo ah dadka qaadka qayila-  si jawaab loogu helo beer xanuun garan waaya oo ku dhaca dadka Somalida ee Ingriiska ku nool (UK) kasoo gabi ahaaba kalifa inuu beerku dhinto. Fadlan Guji maqaalkaasi  halkan oon ka qoray qaadka http://www.caynabanews.com/view.php?id=25567

 iyo maqaalkan kale http://www.ceerinews.byethost16.com/blog/?p=4980)

Drugs halista ahi, waa geedo sida qaadka loo beerto. Saddexda geed ee ugu muhiimsan ee drugs waa; Opium poppy, Cocca iyo Cannabis. Haddaba saddexdaa, ayaa labadda geed ee Opium Poppy iyo Cocca ayaa waxaa (derived from Heroine) laga soo saraa maddada Heroine ta. Saddexdan maandooriyaba caalamku waxay ka yeeshen heeshi la gaadhay 1961 oo lagu mamnuucayo beerashadooda. Waxaa kaliya oo loo oglaaday heeyadaha caafimadaka in ay kaliya beer karaan – tijaabooyin  la xidhiidha cimi baadhis caafimaad kaliya ( the 1961 singe convention on Narcotic Drugs calls on signatory countries to destroy cultivation of Opium, Coca and cannabis and the 1988 UN Convention against illicit drugs makes the cultivation of these three plants a criminal offence).

 

Haddaba Qaadka ayaa  gabi ahaanba laga helay walxaha maadooriyaashaa  ku jira (ingredients) taasoo  lagu ogaaday tijaabooyin lagu sameeyey 10 sanno ee ugu dambeeyey – inkastoo WHO ay qaadka ku dartay liiska maandooriyaasha sanaddkii 1980 (World Health Organisation classified Khat as a substance of misuse in 1980). Intii ka horyesay 10 sanno, macluumadka qaadka la xidhiidha way koobnaayeen, waxayna ahyeen  kuwa aan sugnayn. Haddaba, markii la ogaaday in Qaadku yahay maandooriya la mid ah maandooriyaasha waawayn, balse wax yar kaliya ka yar hooseeya, ayaa gabi ahaanba dalalka Europe iyo wuqooyiga America iyo dunidda muslimika ahba laga mamnuucay. Waxana lagu ogaaday cilmi baadhisyaddaasi  iyo daraasad lagu sameeyey inuu qaadku keeno:

  1. Beer xanuun halis ah oo gabi ahaan beerku dhinto, qofkuna dhinto hadaan beerka laga badalin. Waxaan taa lagu ogaaday cilmi baadhis dadka Somalidda qaaadka qayila ee Dalkan Ingrriska (UK) degan  lagu sameeyey – daraasadaa oo shan sano socotay – guji mareegata sare ( the new England Medical Journal);

  2. Qaadka ay horseeda inuu keeno cudurka dhimirka (mental health illness);

  3. Qaadka ayaa la xajiiyey inuu keeno dhimashadda deg deg ah (sudden death i.e. cardiac arrears). Arintani waa mid dalka caana ka ah oo werwer wayn ku haysa dadka qaadka qayila –  Soomalida Qaadka Qayisha ayaa iyagoo cunaya naftu ka boodda ama ku timaada dhimasho deg deg ah (this is not isolated cases but sporadic ones); iyo

  4. Iyadoo la xaqiijiyey inuu keeno cudurka faaliga (stroke). Haddii uu qofka hore ugu dhacay STROKE oo uu qaadka ku noqdo, waxaa la xaqijiyey inuu STROKE culus oo kale  ku dhufto – haddii uu ku dhaco mar kale, waxay u badan tahay  qofka dhimasho ku keeno ama curyaamin xog leh ugaysta,  sida isagoo  xidha kaadi mareenaka, hadalka oo ka xidho iyo isagoo afku qaloocsamo oo cunidda iyo liqidduba ku adkaato oo gabi ahaanba u qofku curyaamo.

 

Haddaba muddii aan joogay Somaliland ayaa waaxaan arkay sida qaadku (drugs) uu bulshaddii uu dhalan rogay. Waxaa kordhay isticmaalka qaadka oo gawaadhi waawayni kenaan. Waxaa uu soo gala arooorta hore, duhurkii iyo habeenkiiba. Taasi waxay keentay inay dadku cunaan aroortii ilaa habeenkii – haddii ay awoodii karaan. Waxaanu qaadka curyaamiyey dhaqaalihii umadda isgoo lagu nasbeeyo burburka qoysaska ee aadka u kordhay inuu Qaadku (drugs) ka dameebeyo.

 

Wasiir aan ka waraysatay (relevant line minister) lacagta adage e dalka kaga baxda qaadka ayaa ii sheegay inay ku baxdo ilaa $700,000,000.00 (todoba aboqol oo milyan oo doolar biishiba). Taasi waxaa ka markhaati kacay, haddaad eego ganacsiga Ethiopian (export commodity of Ethiopia) ayaa Ethiopia waxa ay u dhoofiso dalkii Soomaliya la isku odhan jiray oo Somaliland ku jirto waxa u dhigmaa waxa ay Ethiopia u dhoofiso USA iyo EU. Haddan si kale u dhigo, Ethiopia waxa soo saarka badeecadaha ay dhoofiso lacagta ugu baddan waxay ka  heeshaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somailand ka mid tahay (80%). Waxaynu noqonay sanadkii 2012 dalka ugu horeeya dalalka Ethiopia wax u dhoofiso( Somalia/Somaliland was the largest Ethiopian export business partner with 9.3% followed by Germany 8.3% (source: Ethiopian Minsitry of Trade). Waxayna Somalia/Somaliland kala soo dagtaa (import trade with Somalia, including Somaliland accounts for less than 1%).

 

Ka gudub taa, Waxaa cad haddaba in culimadda Islaamka, gaarahaan kuwa Somalildu qabaan in qaadku iyo khamriguba ay xaaram yihiin. Kahmriga si cad uu ugu xusan yahay Quraanka Karimka inuu xaran yahay, islamarkaan qaadka iyo wax alle wixii farfareeya miyirka (Brian chemical altering) ay yihiin xaraan sida ku cad quraanka. Suaashu waxay tahay, maxaa haddaba ganacsiga qaadka uu sii socodaa halka ganacsiga khamrigu uu yahay wax aan la caqbali Karin? Maxayse ku dhacday in dalalka EUROPE iyo North America (USA and Canada) qaadka ka ganacasiggiisa uu manuuc ka yahay halka ganacsiga khamriguna uu furan yahay? Dalalkaasi waxay qabaan in Qaadka dhibaataddiisu marka loo eego khamriga ay aad uga wayn tahay.

Maqalkani waxaa uu ku talinyaa inuu qaadku dhibatada caafimaad xumo ka wayn tahay ta khamrigu leeyahay  caafimaadka  dadka. Khamrigu isga laftiisu waxa uu leeyahy dhibaatooyin caafimaad xumo oo kow ka yahay beer xanuunku. Balse marka la is barbardhig lagu sameeyo- ta qaadka ay ka badan – taasina waa sababta keentay in dalalka horumaray ay ganacsiga iyo cunida qaadka u mamnuuceen si ay dadkoodda uga badbaadiyaan cuduradda halista ah ee qaadku ku keeno bulshada een kor ku xusay. Markaa miyaan loo bahnayn in arinkan caqli lagu daro oo haddii anay dadku joojin Karin cunida (qayilka) qaadka in lagula taliyo bulshadeena dadka qaadka aan joojin karin in cabidda khamriga ku badashaan,  lana siiyo waxbarsho ka badbaadisay inay bulshadu noqoto  Sarkhaamin (to provide them peer education to void them  becoming alcoholic). Tani waxaa laga yaaba in lacag ka yar ta qaadku inagaga baxdo,  islamarkaan caruur yar yar oo abayaashood (bread winner of the family) kuwaayda ama qaadku galaafto ka badbaadan dhimashada iyo curayaanimda qaadku keeno (this will save thousands of lives per year in Somaliland from Khat related deaths, chronic illnesses and disabilities).

 

Isku soo xoori, qaadku waa afo u bahan in wax laga qabto oo maanta dhaqaalaha dalkeena  (it affects the most productive age group of our society) sahayday  bulshada qaybteedda ugu wax-soo saarka-baddan. Sidaad daraadeed qaadku waxa uu SEETO IYO DABAR KU YHAYA HORUMARKA SOMALILAND.

 

Mahadnaq: Waxaan halkan uga mahad celinyaa, Engneer Cismaan Cabdillahi Cigaal iyo Marwaddiisa, Hinda Cabdi Muuse oo si wayn igu soo dhaweeyey Hotelkiisa, Crown Hotel. Crown Hotel waa Hotel bilicda Hargeeysa wax wayn ku soo kordhiyey

 

Axmed Cabdi Ciise

 

An academic in social Science

 

What is your thought on this article, please email me your comments directly to isseahme@hotmail.com

 

La soco Qormadda saddexaad ee maqaalkaygan halku dhaggiisa aan kor ku xusay oon qormadda saddexaad kaga xoogwarami doono dawlada,   Maddaxwayne Axmed Maxmed Maxamuud Siilanyo.