Qabtii Labaad Ee Xafladii Xisbiga WADDANI Magaalada Seattle Washington Oo Loo Soo Agaasimay Si Heer Sare Ah Iyo Masuulintii Ka Hadashay oo Isgu Jiray Heer Gobal iyo Masulinta USA QAAR KAMIDA + SAWIRO

Seattle (SM)-Waxa caawa oo bishu tahay January 19,2014 ka dhacday magaalada Seattle Washington ee USA xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo  wacyigelinta iyo dardargelinta  arrimaha xisbiga WADDANI ee Seattle Washington.

image

image
Xafladda waxa ka soo qaybgalay bulshada Reer Somaliland ee deggan Washington qaybaheed kala duwan oo rag iyo dumarba leh,dhalliyaro iyo madaxda Community Somaliland ee Seattle Washington.
Waxa  madasha hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha xisbiga “laanta” Seattle Washington Mudane BASHIIR AHMED JAMA (MADADAAL) oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda xisbiga, himilooyinka iyo mabaadiida guud ee xisbiga WADDANI,Gudoomiyhu waxa kale oo si faahfaafsan uga hadlay qorshaha xisbiga ee dhaw iyo qorsha xisbiga ee fog labadaba, waxa kale gudoomiyuhu ku dheeraaday waxyaaba xisbiga WADDANI ka turjumayo.
image
image
Waxa kale oo xafladda xisbiga WADDANI ka hadlay Haji ismail Kabadhe  oo ka mid ah odayaasha waayo arag ah ee Reer Somaliland,Haji ismail wuxu ku dheeraaday baahiyaha keenay xisbiga WADDANI ee ka mid yihiin: Qabyaalada soo noolaatay,Musuqmaasuqa dalka ragaadiyay,Caddaalad darrada dalka ku habsatay iyo arrimo badan oo la xidhiidha tabashada bulshada Reer Somaliland laga soo bilaabo lowyacdo illaa Laasanood,
waxa kale oo ka hadlay xafladda Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane
CABDIRAXMAAN MAXEMED CABDILLAHI (CIRRO) oo khadka telefoonka si toosa ugala hadladyay tageerayaasha xisbiga waddani waxaa kaloo khadka telefoonka kula jirau Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka hadlay baahida loo qabo kobcinta xisbiga waddani,isla markaana labada mudane ay aad ugu mahad naqeen tageerayaasha xisbiga waddani “laanta” Seattle Washington uguna baaqeen wada shaqeen wacan. Waxa kale oo isguna Ka Hadlay Ismaaciil Xuseen Ahna Golaha Wakiilada
Waxa  Iyaduna khadka Tilifoonka soo Gashay Gudoomiya Xisbiga Waddani ee USA MUNA CALI FIDHIN oo runtii si Qota Dheer uga Hadshay
Waxa isguna aad uga Hadlay Qoraaga Caanka Ah Cabdi Faarax Giire oo Xisbiga Kamid ahaa ilaa iyo intuu Ururka Ahaa Run ahaantiina aad uga Hadlay
imageimage
 Waxa Isna Ka Hadlay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee USA MUKHTAR MURE WARSAME oo Kunuux nuuxsaday Arimaha Dibada Iyo Himilada U Hiigsanayo Xisbigu
Sidoo Kale waxa Ka Hadlay Xidhiidhiyaha Xisbiga Wadani Ee USA SALEBAN CALI BILE
Oo Runtii Hadaladiisii Dadka ay qiiro Galiyeen Kana war bixiyay Hawlihiisa oo Dhan iyo
HALKAN U Maraayo Maanta war Bixintaa Xidhiidhiyaha oo Dadka Aad u soo jiitay
waxa kale oo xafladda ka hadlay gudoomiye –KU xigeenka xisbiga WADDANI USA Cabdi Khaaliq Sheekh Axmed“
Waxa iyaduna Hadashay ,gudoomiyaha garabka haweenka iyo gudoomiyaha garabka dhallinyarada  Ee Laanta Seattle waxay dhammaantood ku dheeraadeen qorshaha guud ee xisbiga WADDANI u yaala sida la dagaallanka qabiilka ,musqmaasuqa  xidhiidhka haweenka iyo xisbiga , xidhiidhka dhallinyarada iyo xisbiga.
GABAYAAGA MUJAAHIDKA AH KHADAR MACALIN QAASIM gabayadiisii aad Loola dhacay
Sidoo Kale waxa Hadlay
imageimage
CUSMAAN XAAJI MUUSE  Oo Si Qota Dheer Uga Hadlay Waxa Looga Baahan Yahay Taageerayaasha IBRAAHIN CABDI GEELE Oo Runtii Aad Uga qosliyay Dadka Ka Hor Inta Aan la Xidhin Xaflada waxa halkaa Lagu Gudoon sii yay Shahaado sharaf 12 Oo Mutaysatay in La Siiyo Shahaado Sharftaa.
Waxa xafladda xisbiga WADDANI soo  gunnaanaday Xidhiidhiyaha Xisbiga WADDANI “Laanta” Seattle Mr Iid mahamed ibraahin oo ka hadlay mabaadiida guud ee xisbiga sida midnimada, horumarka,nabad iyo hirgelinta himilooyinka ummadda Somaliland hiigsanayso ee ay ugu horeyso Madaxbannaani taam ah iyo horumar dheelitiran oo dhinac walba leh,waxa kale oo Xidhhiyuhu ka hadlay in xisbiga WADDANI uu taagan yahay Caddaaladda ,Sinnaanshe ,Xoriyada, Waddaniyadda iyo danta guud ee dadka iyo dalka.
Alla Mahad leh,
Afhayeenka Xisbiga WADDANI “USAimageimage
Md// Mukhtar Mure Warsameimageimageimageimageimageimageimage

 

WADDANI Seattle00

WADDANI Seattle

WADDANI Seattle0

WADDANI Seattle1

WADDANI Seattle3