QABYAALADU WAA QUDHUN

QABYAALADU WAA QUDHUN

Waxaa mahad iska leh iaahay (SW) waxaan kaloo umahad celinayaa saxaafada had iyo jeer uheelan gudbinta wararka,qoraalada,iyo afkaarta wanaagsan

Ereyada qabyaalad iyo qabiil ayaa had iyo jeer qeexidooda amma kala saaridooda  lays ku qaldaa amma inta si uu taqaanaa si fiican loo kala aqoon, bal haddaba haddii aan isku  day o ta qabiil.

Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo, awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii  aabbihii.

Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba iyadoo sida saxda ah ay tahay  sid aa, ayaa haddana waxa ku hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata magaciisa.

Sidoo kale hooyo walbaaba ku dedaasho in ay ilmaheeda u hesho aabbo wanaagsan si uu mansab iyo magacba uu uga dhaxlo aabbihii, taana waxa ka dhalata dhowrsanaan dumar oo sharaftii qoyskoodana ilaaliso ilaa heer bulsho

 

Bal u fiirso, xigmadaha ku jira in la noqdo qabiilo ma aha inay dadku tarmayaan habkii ay awowyaasheen ugu dhaqmi jireen ay ahayd, habka ugu fiican sida tol iyo xidid iyadoo  aan an dhammaan soo koobi karin xigmada ku jira iyo wanaageeda bal aan eegno waxay  noqo to marka sida xun loo isticmaalo iyo cakiskeeda.

Haddaba qabyaalada ayaa iyada waxayn odhan karnaa waa qabiilkii oo si xun lo  isticmaalay, keentana wax ka duwan waxtarkii oo ah waxyeelo ficilka qabyaalad, ayaa ah  qabyaaladan, taasoo iyadu dhankeeda ah garabsiin xaq iyo xaq-darro, gar iyo gar-darro, dhac, musuq iyo wixii la halmaala.

QABYAALADA ayaa ilaa hadda wax aad looga tixgeliyo bulshada Soomaalida dhexdeeda, bal se u keentay waxyeelo baahsan oo cuqubo iyo horumar la’aanba leh, kana noqday cudur, kaas oo dillaaca xilliyada saameyntiisu ugu badan tahay oo khilaaf dhaco, iyadoo loo  adeegsanayo guubaabo. Waxayna ku xidhan tahay cidda ma jaraha u haysa amma taladu ka go’do si haddii ay la sii huriyaan iyo in ay suuliyaan amma hakiyaanba.

Somaliland maadaamay tahay dal iyo dad taariikh ahaan hore u sii dhidhiyey adeegsiga  qabyaalada, waayo aragna u ah waxyeelada, waxaan kula talin lahaa in la tirtiro gebi  ahaa ba ku dhaqanka qabyaalada, isla markaana la hirigeliyo hanaanka ku dhisan  horumarka, xadaarad iyo wanaag ku dhisan.

Saxaafada iyo akhriste aad baad umahadsantihiin

 

Qalinkii: Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

Burao,Togdheer,Somaliland