Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Dowladda Somaliya Laga Taageero Dhinacyada Ammaanka Iyo Horumarka

Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Dowladda Somaliya Laga Taageero Dhinacyada Ammaanka Iyo Horumarka

ok

Jan 3,2013 Muqdisho(SM)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in la sii wadayo taageerada loo fidinayo dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarinta, iyagoo dhanka kale dalalka adduunka ugu baaqay in ay ballaariyaan taageerada Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay kulan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo nuqul ka mid ah lagu daabacay bogga wararka Q. M. ee UN News Center ayaa lagu sheegay in goluhu uu ku baaqayo in la dar dargeliyo howlaha Soomaaliya looga saacidayo nabadda iyo deganaanshaha lagana hortago argagixisada kooxaha Al-qaacada.

Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa ayaa muujisay sida ay uga xuntahay dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Afaafka horee Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayagoo tacsi u diray dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadaasi oo ay sheegteen kooxda Shabaab, ayagoo amaanay howlgallada ay wadaan ciidamada Amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Golaha Amaanka ayaa sheegay in falalkaasi argagixiso aysan Carqaladaykarin Amniga islamarkaana aaney waxba ka bedeli doonin mowqifkii ku aadanaa in la taageero dowladda Soomaaliya ayagoo intaasi ku daray in kooxihii dhagar qabayasha ahaa ee falkaasi ka dambeyay cadaalada la horkenidoono.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladaha xubnaha ka ah Q.M. looga baahan yahay in ay taageeraan dowlada Soomaaliya, ayadoo loo eegayo waajibka saaran oo hoos imaanaya xeerarka caalamiga ah iyo Qaraarada Q. M.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Muun ayaa dhankiisa sheegay in ay ka go’antahya in ay taageeraan dowladda Soomaaliya si looga hortago falaalka amaanka ka dhanka ah .

Horaantii bsihii November ayaa Q. M. waxaa ay meel mariyeen sharci K.M.G. ah oo ogolanaya in ciidamo gaaraya 4000 oo dheerad ah lagu kordhiyo AMISOM lana balaariyo haqab tirka baahida aas’aasiga ah ayagoo ka dalbadalya Midowga Africa in ciidamada ka jooga SOomaaliya ay gaarsiyaan 22,126 askari halka haatan ay Soomaaliya joogaan,17,731.

Salaanmedia/Muqdisho