QORMADA QURBE-JOOGA RAGGA SOMALIYEED EE QURBAHA KU NOOL OO QOSOLKII ILAAWE IYO KUWII QAARADDA JOOGAY OO QAADKII ILKII DHAMEEYEY

amran

  QORMADA QURBE-JOOGA

RAGGA SOMALIYEED EE QURBAHA KU NOOL OO QOSOLKII ILAAWE IYO

KUWII QAARADDA JOOGAY OO QAADKII ILKII DHAMEEYEY

Qosolka iyo ilka cadaynta oo caafimaad ahaan la cadeeyey inay faa’iidooyin badan u leeyihiin qof kasta, ayaa sida xaqiiqda ah ragga Somaliyeed ee qurbaha ku nool, khaasatan wadanada reer galbeedka aad moodaa inay intooda badani ilaaween habayaraatee. Waa shay xaqiiq ah oo ay ka marag kacayaan dadka Somaliyeed laftoodu, dadka ajaanibka ihina moodaan in ragga Somaliyeed ay goor walba yihiin qaar  xanaaqsan.

Waxaan shaki ku jirin in intooda badan uu ku dhacay dhaqan garan –waa,  filan-waa iyo u qaadan-waa  ay kala kulmeen nolosha qurbaha ee wadanada reer galbeedka. Halka qaar kaloo  badana guriga  laftiisa qumbulado kaga qarxaan marka uu aabaha qoysku ka gaabiyo ka qayb qaadashada hawsha qoyska iyo caruurta oo u baahan gacmo wada jira.  Arrintaas oo abuurta in si fudud u qoysku u burburo,  ka dibna  ay ragga  la qadhaadhaato dibad baxu ama keli noolaanshaha  aanu ka sii tabaabushaysan ama aanay ku talo galin.

Maqaaxiyaha iyo hudheelada ay inta badan isugu yimaadaan raggu , maahaa meel ay ku dareemaan farxad, qosol iyo sheeko wadaag, laakiin se waa meelo ay la kulmaan fadhi ku dirir iyo waji-dadab  ay cadho ka soo kororsadaan.  Inkasta oo ay jiraan meelo  oo uu qofku waxyaabo badan oo naftiisa , aakhiraiisa  iyo caafimaadkiisa ba anfici layd ay ka  heli karaan xaafadaha ay ku nool yihiin, hadana aad bay u yar tahay in aad ku aragto meelaha ay dadku wada isticmaalaan sida beeraha, goobaha jimicsiga , laabareeriyada.

Wax kale oo iyana yaab leh, in kastoo ay heli karaan daryeel caafimaad oo bilaasha, haddana kuma dheereeyaan daryeelka naftooda  ay xil badan iska saaraan. Marka qudha ee nimanka ay qurbe-joogu farxad dareeman waa marka ay dalka iyo dadka hooyo dib ugu noqdaan ama ay fasax ku tagaan. Qaarkoodna ka soo min yaraystaan.

 Waxa intaa raaca, xaafad kasta waxa ku yaal masaajido ay aqoon diineed oo dhaxal gal ah ka faa’iidaysan lahayn, laakiin meelaha qaarkood waxa la arkaa inta masjidka ku tukanaysa inay ka badan yihiin ku hor taagan ama agagaarka tuban meel aan ka fogayn. Qulubka qurbaha waxa u dheer qalbi raaca , qaylo- haanka siyaasadee iyo qabyaalad  ka hadal ka lumiyey wakhti badan oo ay waxyaabo kale qabsan lahaayee.  Haddaba  haddii ay qooraansano dhinaca kale ee qaaradda Afrika ama dalalka ay ragga  Somliyeed ku nooliyiin, waxa kaaga muuqanayaa wajiyadooda farxad iyo qalbi furan goor kasta.  In kasta oo nin ladan mooyaane inta badan uu wakhtigu hayo oo ay jiraan sheqo la’aan baahsan iyo tabaale adduun, haddana waxa aad u caawiyey cilimada, qosolka iyo sheekada aanay marnaba ka caajisay, taas oo ay ii iskaga yareeyaan cudurka  casriga ah ee loo yaqaas stress ka afka qalaad.

Caqabadda iyana hor taal ee aafada ku noqotay  waa qaadka ay cunaan oo faro baas ku haya, intoodii badaydna ilkihii ka sahayda ama ka qubay.  Taaso oo iyaga laftoodana ku qasabtay inay afka laydha ka qarsadaan, maadaama  aanay haysan dakhaatiir takhsus sare u leh daryeelka  ilkaha ah ama aanay duruuftooda dhaqaale ba u saamaxaynin.

Carabtu waxay ku maahmaahdaa (Qosol adduunku ha kula qoslee.) Qalinkii:Ubaxgalool