QORMADA QURBE-JOOGG ADDOON WAA NIN GACALKII WAAYEY

QORMADA QURBE-JOOGG

ADDOON WAA NIN GACALKII WAAYEY

amran

Tan iyo intii ay dadka Somaaliyeed ka baro kaceen dalkooda

hooyo ayaa wadanadan reer galbeedka waxaa si badheedh ah loo guranaaya caruurta yar yar ee Somaliyeed iyagoo aan marna waayin wax ay ugu soo marmarsoodaan, Sidaa kala socoteen  barnaamijka Baaqa Bulshada habeynkii Arbacadii waxa  marti u ahayd haweenay Somaliyeed oo reer Jibuuti ah oo intay xanuunsatay  Sooshalku ka qaadaeen saddex hablood oo ay dhashay oo ay da’doodu u dhaxayso 13 ila iyo saddex jir.

Haweenaydaas  oo aan cidnaba taageero ka helin ayaa sannad iyo badh ka hor labadii hablood ee waaweynaa laga qaaday loona geeyey reer ErItaiyaan ah. Hooyadaasi iyadoo weli sii dugsanaysa tii ugu yarayd , ayey haddana mar labaad sooshalkii weerar ku soo qaadeen oo ay ka fara maroorsadeen inantii yarayd. Waxa hadaba ayaan darro noqotay in maxkamadda dalku u saxeexday ila siiyo oo ay si rasmiya u qaataan inanta laba naagood oo isqaba oo caddaan ah. (WAL CIYAADU BILAAH).Arrintaas ayaa noqoto mid ay haweenka Somaaliyeed iyo qof kasta oo damiir ama diin lihi ka xumaado. Taasana keenta in 29 bishan loo balamo in si wada jir ah loogu hor mudaaharaada HARROW CIVIC CENTRE oo ah xaruumta looga taliyo degmadaas.

Maalintaas in kasta oo uu roob badani da’aayey,qabow hadanina uu jiray haweenku kamay dhaqaaqin halkoodii ilaa ay dacwadooda gaadhsiiyeen maamulka sare. Waxa nasiib daro ahayd in goobtaas dumarka Somaliyeed weerarka ahaayeen uu ka muuqday wax rag ah nin dhalinyaro ah oo Somali ah iyo nin wadaad ah oo Gambiyaan ah.

Arrinkan dumar Somaliyeed oo mudaaharaadaaya  oo ugub ku ahaa maamulka iyo dadka caddaanka ayaa wuxuu kaloo soo jiitay war baahintii xaafada oo iyana sii buun-buunisay  iyagoo u arkaaya in dadka  Somaliyeed ay ka soo hor jeedaan hab dhaqanka iyo xoriyada aadamaha. Taasina waxay baasiin ku sii shubtay oo  ka faa’iidaytay cunsuriyiintii iyo kuwii kale ee anshaxa xumayd, iyaoo qoraaladooda ku cadaynaayey: Somalidu ha ku noqdaan dalkoodii haddii aanay la qabsanayn oo aanay ixtiraamayn sharciga dalkan.

Guntii iyo gababadii maanta koob iyo tobankii ayaanu la kulanay Gudoomiyihii degmada oo ah gabadh Afrikaan ah,taaso oo iyana si  fiican noo garowsatay, si fiican na noo raali galisay.Waxaanay ka ballan qaaday inay hakin doonto xaalkana laga fiirsan doono. Saddexda dabad ee ay ka kooban tatahay daartu waxa buux daafiyey hablo iyo haween Somaaliyeed oo hiil ah. Saacad ka horna waxa isla goobtaa igula soo xidhiidhay nin  saxafi ah oo ka socday jariidadda afka dheer ee Sunday Times oo waraysi ururinaayey. Taasina waxay muujinaysaa sida ay sheekadii inanta yari ay circa isugu shareertay.  Halka halganka hablaha Somaliyeed ee hiilka ah iyo sheekadani ku dambaysona waxaynu kula socon doonaa qoraaladeena dambe haddii Eebbe idmo.

Waa qalinkii : Ubaxgalool

 

   Â