QORMADA QURBE-JOOGGA amran GEELA DUQDIISII DURDURISAY, AARANKIISII MAXAAD MOODAY

QORMADA QURBE-JOOGGA

amran

GEELA DUQDIISII DURDURISAY, AARANKIISII MAXAAD MOODAY

Qormadeenan maanta waxaan tibaaxi doonaa  aafada shiishadda iyo qurbe-joogga siiba da’ yarta ku nool carriga Ingriiska. Dadka Somaaliyeed siiba dumarku dhaqan umay lahayn  sigaar iyo shiishad la cabbo mid koodna. Dagaaladii siteetanaadkii ka hore wax jiray dumarka mid mid si qarsoodi ah  u cabbi jirtay badeecada ama GAAYEHA,  taas oo ay isticmaali jiraan haweenka ka iman jiran ama ku noolaan jiray dalka Ethiopia ee badan kooda sharshaarida loo yiqiin.

Haweenkaasi iyaga oo xishoonaaya ayey si qarsoodi  kula duuman jireen meelo guryahooda ka fog, Marka ay dhamaystaana carfi iyo cuud ayey isku shidi jireen si aan dadku uga  urin. Dadka kalena waxba may dareemi jirin, waayo ma aqoon ba waxay tahay.  Waxa se la soo  cadeeyey markii dalka lagu soo noqday in dumar badan oo weliba dhalinyaro u badan ay noloshooda badeecaddu saamayn weyn ku yeelatay iyaga oo aanay wax ceeb ah ugu arkayeen isticmaalkeeda.

Aafadaasi waxay soo gaadhay qurbihii, magaladda London na waxay noqotay meel  dhalin yarada iyo dumar badani ay bariinsadeen  meelaha shiishadda lagu cabbo. Qaar kood badan oo aan weydiiyey waxay igu jawaabeen : Inta aanu xabbad siyaar ah annagoo xijaaban kolba meel isla taagi lahayn, waxa ii dhaanta shiishada. Asxaabtayada oo dhan baa isugu  yimaadaan oo waanu ku sheekaysanaa waana goob kullan xiiso iyo xaraabo badan, waxaanu ka helaa firfircoon oo ( Boring ka guriga ayaanu iskaga biinaa).

Horaa loo yidhi balaayada uun ku habsata, uun  kale ayaa ka faa’iida. Istimaalka shiishada ka shaqaysigeedii waxa si fiican uga faa’iiday rag Carbeeb oo koone kasta London ka furtay meelo lagu cabbo, iyagoo macaamiisha qudhee ay ku xisaabtamaan yihiin 65ka kun ee  Somaliyeed ee deggan magaalada London, marka laga reebo Somalida Ingiriiska ku dhalatay oo aan iyagu tiraada aan soo sheegay ku jirin.

Haddaba  qaynuunka dalkan Ingriiska oo aan ogolayn in 18 qof ka yar laga iibiyo sigaar, loona ogolayn shiishayaa, ayaa niman ka Carbeed  iyagoo ka gaashaamanaaya sharciga ay u sameeysteen meelo hoose iyo dhul ay kabadho ku af jareen si aan loo arag oo ay ku xereeyeen da’ yarteena. Taasoo khatarta ka iman karta iyo khasaaraheeduba uu badan karo haddii dab qabsado ama uu dagaal meeshaas ka dhaco.

Bal haddaba waa laba daran mid doore,  itaal baaska dhalin yarada kuwooda shaqaysta ee mushaharka fiican qaataa iyagu waxay camirta shaarica u qaalisan London ee loo yaqaanno AGWARE ROAD oo bar tilmaameed u ah maal qabeen ka Khaliijka, laakiin waxa jira qaar kale oo badan oo iyagu waali u ban baxay oo ku dhex jira nooc kasta oo maan-dooriye ah.

Waxa hubaal ah haddii aad wadooyinka magaaladda London u soo baxdo saacadaha dambe ee habeenkii in aad argtid dhallin yaro badan oo Somali ah oo raxanran uga soo qamaamaaya meelaha shiishadda lagu cabbo, sidaas oo ay tahay waxa ka daran inay tagaan meelaha dhalin yarada diimaha kale haystaan ay tagaan ee PUB ka iyo night clubs.  Haddii  reer ninkii aabaha ahaa ee weynaaba uu jaad noloshii ka riday, dhalin yaro aan joogin meel lagu canaantaana waa: Gadhoo lagu sii daaye gafuur dhaaf.

Waaqalinkii: Ubaxgalool