QORMADA QURBE-JOOGGA TOLOOW HA LA DHOOFSHO

QORMADA QURBE-JOOGGA

TOLOOW HA LA DHOOFSHO

amran

Qormada qurbe-jooga oo noqon doonta todobaad leh aanu Jimce kasta ka faaloono arrimo la xidhiidha dadka af Somaliga ku hadla noloshooda iyo dareenkooda ku aadan dalkooda hooyo, sidoo kale waxa dhib iyo dheefba ay kala kulmeen qurbaha ay dantu yeelsiisay.

Qormadeena maantana waxaanu ka hadlaynaa dhalin yarada Somaliyeed dibaatooyinka haysta ee aan intooda badan dadku ka war hayn. Waxaan si gaar ah diiraddau saarayaa  kuwooda ku nool carigan Ingriiska oo ay dhalin yarada Somaliyeed ka noqdeen tukke baal cad.

Dhalin yaradaa dhibaatada u weyni  waxay soo food saartaa marka ay ka wareegaan dugsiga hoose ay laba iyo toban jir gaadhaan ee ay ka faro muruxsan walidiintii iyo macalimiintii madaxa u salaaxaysay ee u arkaayey inay yihiin caruur yar yar. Waana marka ay galaan dugsiyaday dawladda ee loo yaqaano (public schools) ka. Haalkaas laysugu keeno kumaankum  kala dhaqan iyo diin ah.  Maadaama aanay waalideenta Somaliyeed awoog u lahayn inay ubadkooda geeyaan dugsiyada si gaarka ah loo leeyahay (private schoolska).

Ilmuhu halkaa wuxuu kala kulmaa hadimo badan oo kaga timiaada kuwa ka sii waaweyn. Qaarkooda dalka ku cusub ama aan halkan  ku dhalanay, kuwa  Somalidaaba ku bilaabay inay fogeeyaan ama caayaan oo ay ku yidhaahdaan waxaa tahay ( freshy ama badaw). Marar ka qaarkoodna  waxa bilaama inuu ilmuhu u gacan galo qaar ka weyn oo ay dhici karto inay wax yaabo xunxun ku lug leeyihiin sida :Maan-dooriyaha ama tuugaysiga.  Markaas haddii uu ilmuhu  waayo waalid aad u feejian iyo aabe garab galay, wuxuu si fudud u gali karaa af libaax. Qaarkood ayaa loogu hinjebaa haddii ay na  diido ama na sheegto adiga iyo reerkiinaba waanu dilaynaa. Marka ka dibna waxa laga dhigtaa  awr kiraale lagu raro maandooriye si iyagaan la dareemayine ay geeyaan meel kasta oo looga baahan yahay.  Arrimaha waxa u kuur galay oo soo cadeeyey booliiska dalkan Ingriiska oo u sameeyey kooxo daba socda oo ilaaliya sidii loo bedbaadin laha.

Halka kuwaa waaweyna ay dhacdo inay qaarkood dhex galaan maafiyada maandooriyaha ka shaqaysatay. Qaar badan naftoodii ayey ku waayeen , iyagoon waxay galabsadeen jirin. Qaarna waxay buux dhaafiyeen jeelashay. Dhalin yaradaas iyo qoysaskoodu toona ma helaan qareenno u dooda sida jinsiyadaha kale. Xaalkooduna wuxuu ku dambeeyaa (waxarta qabo oo,qoolka geli). Dadka Somaliyeena inkasta oo ayaad ugu firfircoon yihiin qaadhaan qabiil ururiska, marna may suurto gelin inay sameystaan qareen iyaga u daacad ah oo ay kharashkiisa la baxaan.

Dhibaatooyinka kale  ee dhalin yarada soo food saara waxa kale oo ka  mid ah, culays kaga yimaad sir- doonka oo iyana ku qasbay inay la shaqeeyaan, haddii ay  diidaanna iyaga dembiga dhakada laga saaro oo la yidhaa waxaa tiin  xag-jir. Marka ay noloshu cidhiidhi ku noqoto ayey qaarkood masaajidada ku irkadaan iyagoo nabad gelyo soo biday, laakiin nasiib darro meelaha qaarkood waxay kala   kulmaay  dad dhab ahaan  xag-jir ah oo u horseeda inay naftooda halaagaan tiiyoo maskaxda lagaga xado Jannada ayaa toos u tegysaan.

Waxa haddaba calool xumo ah in aad magaalada London ku arki karto dhalin yaro oo isku buuqsan, aan baasaabooro haysan oo ay dawladdu kala noqotay, meel ay qabtaan iyo cid caawinaysa oo ay isku haleeyaan jirin. Wax mustaqbal ha oo dalka u yaalaana aanu jirin, haddaba waxaan kula talin lahaa dadka dhalin yaradaas u qareenka ahow ama eheladu  in aad il naxariis leh ku eegtaan oo loo dhoofiyo meelihii ay markii horeba ka yimaadeen ee asal ahaan ka soo jeedaan.

Waa qalinkii: Ubaxgalool

   

Â