Sanaag: Booliska Oo Xoriyaddiisa U Soo Celiyey Wariye Maanta Lagu Xidhay Ceerigaabo

(SM-Ceerigaabo) – Ciidamada booliska ayaa xoriyaddiisa dib ugu soo celiyey Wariye Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Tera) oo ka mid ah bahda shabakadda wararka ee WarSomali.com, kaasi oo maanta boolisku xidheen.

download

Ciidamada booliska ayaa wariyahan qabtay maanta, isaga oo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ee saxaafadeed, waxaanay ku xidheen xarunta ciidamada dambi baadhista ee C.I.D-da ee Magaalada Ceerigaabo, balse su’aalo badan oo la waydiiyay ka dib, ayaa xoriyaddiisa loo soo celiyey.

Xadhiga Wariyahan la siidaayay ayaa lala xidhiidhiyey warar maalmihii u dambeeyay uu ku baahiyey Mareegta War Soomaali.com, kuwaasi oo ku saabsanaa musuqmaasuq la wariyey inay ku kaceen maamulka waxbarashada ee Gobolka Sanaag iyo weliba warar kale oo door ah.

Salaanmedia/Hargaysa