Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo sheegay in ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda ay weerari doonaan Shabaabka Shabeelaha Dhexe ku sugan

Daawo Muqaal:Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, oo shacabka reer Muqdisho uga digay in ay ka fogaadaan, Xarumaha Dowladda iyo Amisom.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa sheegay inay weerar ku yihiin deeganada Gobalkaasi ay ka joogaan Ururka Al-Shabaab ee Dowladda iyo Amisom dagaalka kula jira.

Sida uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka dhanka siyaasada ee Gobalka Shabeelaha hoose Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la hadlay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho, ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa dhawaan weeraro ku qaadi doono Shabaabka ku sugan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Cabdi Cabdile wuxuu sheegay in ciidamada Amisom ee caawiya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Dowladda ay qorsheeyeen sidii weerar culus loogu qaadi lahaa Shabaabka Gobalka jooga, inkastoo Yuusuf Cabdi Cabdile Guddoomiye kuxigeenka dhanka siyaasada Gobalka Shabeelaha hoose uusan sheegin waqtiga ay weerarka qaadayaan.

Qorshaha ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayuu ku tilmaamay inay tahay in guud ahaan Gobalka Shabaab laga saaro, balse taasi ay ubaahan tahay farsamooyin badan.

Al-Shabaab ayaa dhawaan waxa ay soo weerareen Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane, halkaasi oo ay kala wareegeen ciidanka Dowladda markii saacado ay haysteena ay dib uga baxeen, horayna usii qaatay gaadiid dagaal oo ciidanka Dowladda ay leeyihiin.

Tan iyo markii ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay la wareegeen Mahadaay iyo Buurane, ciidanka Dowladda waxa ay noqdeen kuwa fadhiid ah oo iyagana un lasoo weeraro.

Inta badan Degmooyinka Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa gacanta ku haayo ciidamada Al-Shabaab, iyadoo Degmooyinka Shabaab ay gacanta ku hayaan ay ka nabdoon yihiin kuwa Dowladda ay maamusho.

Salaanmedia/Mogdisho