Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere”, ayaa wuxuu sheegay in weerarkii Hotel Jaziira, ay ku dileen rag badan oo ka tirsan waxa uu ugu yeeray cadowga.

Afhayeenka, ayaa sheegay in dagaal-yahanadoodu ay beegsadeen Xarun laga soo maleygi jiray, dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateynaayo sida uu sheegay Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in weerarkaan ay ku dileen 40 xubnood oo ka tirsan dhinacyadii ay ku weerareen Hotel Jaziira, oo ay ku jiraan sida uu sheegay Saraakiil Ciidan, oo Boolis iyo Sirdoonba isugu jirta.

Sidoo kale wuxuu xusay weerarka Hotel Jaziira in uu ka dhashay dhaawacyo soo gaaray xubno ka tirsan Dowladda, oo uu tilmaamay in ay ku jiraan Xildhibaano.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dadkii ku dhintay weerarkaan ay ku jiraan Saraakiil Ajaaniib ah, oo uu ku eedeeyay in ay maleygayeen shirqoolo ka dhan ah Ummada Somaliyeed, sida uu yiri.

Cali Dheere, ayaa Alle kaga mahadceliyay in uu xalay gaarsiiyay guul weyn, marba haddii ay khasaaro buuran u geysteen dhinacyada ay la dagaalanka kula jiraan.

 

 

Warar Update ah 24-ka Saac Kala Soco MuqdishoNews.com

Ilwareed.com Isha Wararka iyo Warbixinada ee Soomaaliya oo idil

Wararka Puntland iyo Somaliyaba kala soco Raadraacnews.com

Wararka Ciyaaraha Caalamka 24 saac kala soco Hiilkubad.com