Sheeko: Murtiyeed Xin Ku Dhalad iYo Xil Ku Dhalad

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

 

 

 

 

 

XIL KU DHALAD:
Nin-kan xoorka dhamaa
Alla xaasid sanaa
Xin u taag adagaa
Muxuu xoole dadwayne
U xaraashay shan ruux
&&
Muxuu xeer qarameed
Ku xabaalay agtiisa
Muxuu ruux xil-yaqaana
Xilkas oo dad aqoonle
Burush xaarle marsiiyey
Muxuu tuug la xidhiidhay
Laaluush-qaate xanaanshay
Guulwadaa xil u dhiibay
&&
Xuseen Adan cadoow
Maanta waa kala xaag
Wadankeena xuduud
Halgankii ka xoreeyey
Xaashe, kaa gadayaa!!

Balse xaalada guud
Hadaynaan xogta taal
Ku ducduucin xalaasha
Halkay sii xod xoteen
Xariiqdeedu jab weeye
&&
Waa xabaala damiirka
Waa magaynada xiija
Xumo raadiya weeye
Hadba daasad xashiisha
Xaafadaa ku qub weeye!

Bal imakana aynu eegno.
(XIN KU DHALAD):
Kal horaa xil-dhibaan
Laga  guuray xishood
Waxa maanta xormaynle
Guulwadaa is xabeebsha
Tuuga xoolaha qaata
&&
Ma xishoode gobweeye
Xaaraan kii cunayaa
Xalaal quutaha weeye
Laysu xeer dhigan maayo
Wadankeenan xuduud
Halgamkii ka xoreeyey
Haduu xay-yahay maanta
Xabaalaa gala weeye!!!

XIL- KU DHALAD:
Kkkkk.
Kkkkk.
Alaylehe cidii ku doorataa dhib qabta.
Allaa Mahadle
togdheer2000@hotmail.com