Sheeko::Murtiyeed Dembi-Doon iYo Derbi-Jiif

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

 

 

 

 

 

Dembi-Doon:
Daa yinkii i abuurtow
Dadki wayska hurdaan
Waanay daalan yihiin
Iyagoon duxba haysan
Doolar kaan ka gurtaa
Kkkkkkkk:
Maatadaan ka dilaa
Hal doorkaan ka xidhaa
Markay qaylo dawaanto
Qosol baan dawakhaa
&&
Debed-daaba magaadho
Dugsi-baan ku jiraa
Waan ku daalay wanaag
Duhurkiyo habeen badh
Tiifii ayaan daawanayaa
&&
Hohe waar derbi jiif
Nabadaa dalka taala
Wayga sii daraysaaye
Halkee baan dab gashaa
Dulmi baas ka dayaa??

Derbi-Jiif:
Subxaanalaah.
Daa inkii i abuurtoow
Xumaan kaa dalbi maayo
Dariiqii nebigayga csw
Tubta toosan dawaaf
Khayrki baan dal bayaa
Kana waaba dembiile
Ee wuxu doonayaa waaxay
&&
Madaxdayda ma diido
Dembina taag uma haysto
Isla yaab isla Diid

Waar yaadheheen????

Ninkan daarta dhex deeda
Cad ceedii kaga dayran
Doolar kuu cunilaana
Madaxayga dushiisiyo
Shaati gaa ka deyaaya
&&
Dembigiisa raboow
Lama daawan karee
Yeeyga dow bixinaaya?

Dembi Doon kkkk:
Waaryaa Derbi-jiif
Anigu kuu damqanmaayo
Hadaad jiifto duleedka
Hadaad aado daruurta
Madaxaaga dushiisana
Doolar baan ka rabaa
In?aad waydana daa!
&&
Midna wayga digniine
Dugaagaa dhulka jooga
Duunyadaa arligeena
Dalab kaygan u sheeg
Waxaad ku tidhaa??
&&
Bal dameerkan xun eega
Sacan duuf ku da-aayiyo
Laxdan dow-dartay eega
Hashan diiftu ku raagtiyo
Faraskan jooga duleedka
Bal daanyeeradan eega!
Daahir wuu gadan waayee
&&
Walaahay waan dooxanayaa
Dirham aan dhulka ool iyo
Dahab baan siisanayaa!!

Derbi Jiif:
Kkkkk.
Kkkkk.
Ana hadaan ku gartay.
Allaa Mahadle