Sheeko:Murtiyeed Gab-gable iyo Guumays

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Guumays:
Gabgablow is cafuufkan
Waxaa kaaga gol roon
Adigoo iska guura
&&
Geyi aan cidi joogin
Gudin qaata habenoo
Madaxaa iska gooya!

Gab Gable kkk:
Guumayseey gurigaaba
Aduunkaa kala guuray
Daawadaa gam i waayey
Qofba meel cagta saaray
Halkaan geel dhaqanlaa
&&
Gudin qaado habeen
Madaxaa iska goo
Caqligaanay galayne
Armaan geeri noqdaa
Godka laygu ridaa

Guumays kkkk:
Gab galow taladaada
Amba waan garanaayey
Adoon Geelba lahayn
In aad gaawe qorayso
&&
Waanse kaa yar guwaynoo
Bilaan kuu gabanaayee
Orod oo is gunaanad
Intaad xoolo gurayso!

Gab gale:
Guumayseey hadalkaagu
Wuxuun buu gubayaa
Xaajadaan goo is idhaana
Taayir kaa gad manaaya
Guyaal baad itaqaanoo
Geed kaa muuqda ma gaadho
&&
Mar hadaan gudbi waayey
Maanta waa kala guuroo
Dalka waan gubayaa!

Guumays kkk:
Gab galow idhagayso
Aniga ruuxa ku goo hay
Ama ciil ku gadhoodhay
Weligii gudbi maayo
&&
Adna giirka dushaada
Hadaad mooday gufaaco
Waad gabaanadaysaaye
Wale inaad guul dhalinayn!!

Allaa Mahadle
Abdilaahi X Mataa