Shir Ballaadhan Oo Lagaga Hadlaayay Dardar Galinta Dhismaha Waddada Ceerigaabo Oo Ka Dhacay Magaaladda Birmingham Ee Dalka UK +Sawiro

(SM:London) Waxaa maalintii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 25/01/2014 ka dhacay magaalada Birmingham shir balaadhan oo ay ka soo qaybgashay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada Midlands ee UK.

Shirka oo ka dhacay hudheelka Mubaarik intuuna billabmin ka hor   waxay bulshadu  yeelatay wada qadayn iyo is dhexgal   taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Shirka waxaa ka qayb qaatay haldoorka iyo wax garadka reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada Midlands sida gobolka West Midlands ee ay caasimadda u tahay magaalada Birmingham iyo Gobolka Leicestershire ee ay caasimadda  u tahay magalaada Leicester.Waxaa shirka si habasami leh u daadihanayey Suldan kabadhe.

Waxaa hadalo wax kul ool iyo gubaabo leh soo jeediyey odayaal , culamaa’uddiin iyo wax garad isugu jira rag iyo haweenba  oo ay ka mid yihiin:  Mudane Cabdilkhaaliq Shaikh Cismaan Nuur, Mudane  Maxamuud Cabdillaahi Suldan  (Suldan Shire) ,    Mudane Aadan Saalax Sugulle, Shaikh Mustafe Salaan, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim, Mudane Cumar Xaaji Nuur , Mudane Khaliif Xiinwaal , Mudane  Maxamuud  Jaamac Muuse,     Marwo Farxiya Cali Gaardiye, Marwo Farduus  Hamashool, Marwo Xaliimo Xuseen iyo xubno kale oo  bulshada ka mid ah oo ra’yigooda ka dhiibta.

Waxaa iyana war bixin guud ka bixiyey qaabka qaadhan ururinta iyo dardar gelintiisa Mudane  Axmed maxsmed Xuseen ( Axmed Kayse) oo ah gudoomiyaha Guddida Waddada Ceerigoob-Burco ee Midlands iyo Mudane Maxamuud Ismaaciil Barre xidhiidhiyaha guddida.

Waxaa goobtaas ku sugnaa TVga qaranka Somaliland oo u gadhwadeen ka ahaa weriyaha ruug caddaga ah ee Daahir Aadan( Dahir Weriye) iyo  Cabdighani  Cabillahi Cabdi Mattaan  oo farsmada waday.

Waxaa xusuus mudan in  Midlands ay ku dhawaaqday qaybta hore ( phase 1) inay bixinaysayo $150,000 taas oo ugu badnaan lix bilood ku soo xeroonaysa.

Waxaa la iclimaayey laba guddi oo wada shaqaynaysa oo kala ah rag iyo dumar .

Guddida Raggu waa 16 xubnood oo maamulkeedu sidatan yahay :

Axmed Maxamed Xuseen (Axmed Kayse)- Gudoomiye

Cali Cirro – Gudoomiye ku xigeen

Xuseen Baane – Xooghaye

Bashiir Cabdi Wadaad – Khasnaji

Maxamuud Ismaaciil Barre- Xidhiidhiye

Waxaa iyana guddida ka mid ah xubno  bulshada  Somaliland ee UK ku dhaqan  ku leh  magac iyo maamuus Sida SuldanShire, Cabdiraxmaan Ubaxle ,Adan Salax, Zakaria Dahir, yuusuf Saddexle,  Sheikh Ismacil Aw Muse, Maxamed Axmed Cilmi, Suldan Cabdirraxman , Salad Jamac ,Axmed maxamed Xirsi, Maxamed Cali Jibriil.

Gudidda dumarka:

Farxiya Cali Gaardiye- Gudoomiye

Nadiira Gadiid

Xalimo Xuseen Yuusuf

Sahra Axmed Shire

Guddida dumarku dhamystirkeeda waa lagu guda jiraa weli.

Waxaa kale oo iyana lagu soo dari doona guddida xubno ka tirsan magaalooyinka Leicester iyo Coventry.

Waxaa kale oo guddidu ka dhawaajisay in ay jiraan goobo ka mid ah xawaaladda Dahabshiil oo ku yaalla  magaalada Birmingham oo iyana qababanaya lacagta loogu tabarucayo waddada , waxaa ka mid ah goobahaas ah :

Dahabshiil Coventry Road ( Birmingham ) – Bashiir Cabdi Wadaad ama Cabdillaahi Xuseen

Dahabshiil Coventry Road ( Birmingham) – Xassan Mooge

Dahahbshiil Stratford Road ( Birmingham)- Cabdifattah Caydiid ama Xaaji

Dahabshiil Alum Rock Area ( Birmingham ) – Xassan shabeel

Dahabshiil Smethwick Area ( Birmingham) – Cabdiraxmaan Carraale

Waxay guddidu soo bandhigtay  juwanno ( receipts)  si gaar ah loo sameeyey oo waddada loogu tala galay oo qofkii lacag ku tabarucoba la siinayo oo ay bixinayaan laamaha Dahabshiil ee la cayimay iyo xubnaha guddida ee hawlwadeenka  ka ah. Guddidu waxay ka dhawaajisay oo kale inay u farantahay qofkii doonaya inuu ka mid noqdo ama ka qaybqaato taburaacaadka waddada oo sadqa jaariya u noqonaysa qofkii wax ku darsada.

Allaa Mahadleh

Suldan Siciid kabadhe

Xidhiidhiyaha Shirka Birminghma ee waddada Ceerigaabo-Burco

Salaanmedia/London