Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Oo Wacdaro Ka Dhigtay Carwada Ganacsi Ee Maalintii Labaad Hargeysa Ka Socota (Daawo Sawirada

Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Oo Wacdaro Ka Dhigtay Carwada Ganacsi Ee Maalintii Labaad Hargeysa Ka Socota (Daawo Sawirada

Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta si weyn ugu soo bandhigtay waxqabadkeed madasha bandhigga caalamiga ah ee ka furantay Hotelka Guuleed ee  magaalada Hargeysa.

 

Telesom oo ah shirkad looga bartay adeegg hufan oo tayo  leh isla markaan ah shirkadda ugu balaadhan ee xagga adeegga telefonnada waxay qayb wayn ka qaadatay madasha bandhiggaasi iyada oo la arkayey boodhan waaweyn oo qariyiyey wixii dhamaan calaamadihii madasha yiilay ee shirkadaha xayeysiisku soo

dhigteen.

 

Dhanka kale waxaa Iyana sidoo kale madasha wax qabadkooda ku soo bandhigay qaybaha kale ee Telesom Group sida Salama Bank iyo SOMGAS oo ah shirkadii ugu horeysay ee dalka keentay qalabka Gaaska cuntada lagu kariyo kaas oo waxbadan ka taray dhaqaalihii qoyska iyo ilaalinta dhirtii la goynayey ee dhuxusha laga samaynayay. 

 

Dhanka kale saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom Group ee ka hawlgala qaybaha kaladuwan ee ay shirkaddu ka koobantahay ayaa la arkayey iyaga oo gelin horaba soo si quruxbadan u soo camiray kuraasta safka hore ee loogu talo galay dadka la qadariyo inay fadhiistaan.

 

Hadaba masuuliyiintii ka hadashay munaasibadda xafladda furitaankii bandhigga carwadaasi waxaa kamid ahaa ku xigeenka madaxa Iibka iyo Suuq-gyenta ee Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi [Darbo] waxaanu ka warramay kaalinta shirkadda Telesom kaga jirto adeegga bulshada gaar ahaan dhinaca Telefoonada iyo Internetka oo uu sheegay hadda wixii ka dambeeya inay dadku ku isticmaali karayaan si lacagla?aan ah.

Waxaanu salaan iyo  mahad naq balaadhn oo uu soo jeediyey madaxdii uu Madaxweyne ku xigeenku ugu sareeyey,Rugta Ganacsiga,golaha wasiirrada,shirkadaha Ganacsiga iyo guud ahaan ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi ka dibna waxa uu ka warramay Telesom iyo qaybaheeda kaladuwan ee sanadkan ay kaga soo qaybagleen Bandhigga carwadaasi waxannu yidhi ?sanadkan Bandhiggan carwada waxaanu kaga soo qaygalay  magaca Telesom Group run ahaantii shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana qaaday marka laga hadlayo waxa -wada lahaan shaha-layidhaado?

Mr Darbo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa  uu yidhi ?runtii wada lahaanshahaa waa lagu macaashay waxaana shuraaku ku ah in ka badan 1500 oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga ama dibadahaba ku maqan?

Dhanka kalana ku xu xigeenka Madax Iibka iyo suuqyenta Mr Darbo waxa uu mid mid uga waramay waaxyaha ay ka koobantahay Telesom Group waxaanu yidhi ?Baanka Salam oo aad ogtihiin inuu yahay mid waxbadan ka qabtay adeegga dadweynaha isla markaana  ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah isla kaas oo aad uga barateen inuu isugu kiin xidhay adeegyo kaladuwan oo uu kamid yahay adeegga Kaafi la yidhaado? ayuu yidhi.

Sidoo kale Mr Darbo waxa uu sheegay inay dadku lacagahooda sidii Jeegg ahaan oo kale kagala bixikaraan Baanka Salaam ?markasta oo aad doontaan Baanka Salaam waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeegga? ayuu yidhi Maxamed Axmed Cabdi [Darbo] Mr Darbo waxa oo Iyana ka hadlay shirkadda Somgas oo ah mid lagu najaxay adeegeeda ay keentay mar uu arrintaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa ?waxaa kale oo aanu maanta  meensha keenay shirkadda SOMGAS oo ah mid aanu ugu talo galay istaraatiijiyadda fogg inaanu ka dhino mustaqbalka shirkadda ugu weyn ee wadamada Gaaska  Bariga Africa oo dhan ka Iibin doonta Gaaska?

Mr Darbo waxa uu sheegay inay qorshaynayaan ka SOMGAS ahaan inay hoos u dhigaan qiimaha dhuxusha lagu kala Iibsado suuqyada Somaliland kadib marka ay ku baahiyaan adeegga Somgas kaas oo ka jabnaan doona qiimaha dhuxusha la siisto wakhdigan xaadirka ah mar uu arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa ?adeega Somgas waxaanu  ugu talo galay inuu kajabnaan doono dhuxusha qiimaheeda?

Dhanka kalana Mr Darbo waxa uu sheegay inay saldhigg wayn ka bilaabeen magaalada Berbera ee xaruta Gobalka Saaxil kaas oo ay ugu talo galeen inay ka hagaan baahinta adeegga Somgas ee laga soo dajinayo Marsada Berbera si loo gaadhsiiyo Gobalada kale ee dalka oo dhan ?runtii hadda waxaanu magaalada Berbera ka wadnaa base ?wayn [saldhig] oo lagu farxikaro?

Maxamed Axmed Cabdi Darbo ku xi geenka mada Iibka iyo suuq-geynta ee shirkadda Telesom waxa uu sheegay inay shaqada shirkadda ku soo kordhiyeen adeegg fiican oo uu madasha kaga dhawaaqay isla markaana si gaara ugu bushaareeyey dhalinyarada waxaanu yidhi ?shirkadda Telesom oo aad uga barateen inay horeyba idiinku haysay adeegyo kaladuwan maantana waxaan halkan idiinku bushaaraynayaa gaar ahaan dhalinyarada oo aad u sticmaala Facebooka iyo Tweeter-ka inaanu keenay Internen uu aad u sareeyo xawaarihiisu oo maanta saacadda laga bilaabo ay dadku Mobile-ladooda ka galikarayaan internet la?aan?

Mr Darbo waxa uu sharaxaad ka bixiyey maadaama uu sheegay inaanay dadku u baahnayn inay adeegsadaan Internet inay inay shirkadda Telesom u soo diri karaan Nomeber-ka 400 oo kaliya kadibna loogu diiwaan galin kanayo Mobile-ladooda si aysan uguba baahan adeegga Internetka iyo soo xidhidiisa midnaba ?dadku waxay noo soo diri karaan Emailalooda iyo Passward-kooda iyaga oo saa garaacaya Nomberka 400 oo kaliya markay doonayaan inay adeegan oo bilaasha ku isticmaalaan Mobile-ladooda? ayuu yidhi Maxamed Axmed Cabdi Darbo ku xi geenka mada Iibka iyo suuq-geynta ee shirkadda Telesom.

?markaad intaa u soo dirto Telesom wixii ka dambeeya waxaad noqonasyaa Online adiga oo asxaabtaada Facebook-gu hadii ay tusaale ahaan dhann yihiin 100 qof ama 200 oo qof inay markaliya kuu soo gali karaan oo lagugu xidhi doono adiga oo hadba kii aad doonto la hadlikaraya? ayuu yidhi.

Masuulkan sare ee u hadlayey Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi Darbo waxa uu gabagabadii madasha kaga dhawaaqay inay shahaado sharafeed gudoon siinayaan Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil [Saylici] taas oo ay xukuumadda uu Madaxweyen Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ku mutaysatay inay waxbadan dalka ka qabteen isla markaana fuliyeen balan qaadyadoodii ay ku dhawaaqi jireen markii ay mucaaradka ahaayeen isaga oo Mr Darbo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi ?goor gaaban hadalkeed-na gaaban hadana waxaanu ka shirkad ahaan Madaxweyne kuxigeenka gudoonsiinaynaa shahaado sharafeed ay ku mutaysteen waxqabad koodii fiicnaa 3 dii sano ee ay talada hayeen iyo inay fuliyeen balan qaadyadii ay ku balan qaadeen markii ay mucaaradka ahaayeen ku soo dhawaw Madaxweye ku xigeen shahaado sharafta?

Madaxweyne ku xigeenka Somailand Mr Saylici , Gudoomiyaha Rugta Gacsiga iyo Goomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group iyo masuuliyiin  kale ayaa iaguna madashaasi ka jeediyey khudbado kaladuwan oo ay kaga hadlayeen arrimaha xagga hormarka ah ee ay Somaliland gaadhay sanadihii la soo dhaafay.

Â