Siyaad bare ayaa yidhi wershada sibidhka berbera haloo raro kismaanyo shibidhka buuraha berbera iyana baabuur halagu guro waxa kadhigan wasiirka raimaha dibada mr; biixi yoonis oo ceelashii biyah…!

Siyaad bare ayaa yidhi wershada sibidhka berbera haloo raro kismaanyo shibidhka buuraha berbera iyana baabuur halagu guro waxa kadhigan wasiirka raimaha dibada mr; biixi yoonis oo ceelashii biyah hargeysa sidaas ka dhigay!,
 
 MAQAAL
waxa wax lala yaabo noqotay markii la arkay wasiirka araimaha dibada mr; maxamed biixi yoonis oo siyaasada dalka iyo dalkaba ku cusub loona haysatay nin mudo UN ka u soo shaqaynayay oo waayo aragnimo balaadhan haysata maadaama uu bushooyin kala gedisan la soo dhaqmay nasiib daro sow Somali aqoon iyo waayo aragnima kasata oo usoo korodha waxaa kala weyn qabyaalad iyo deegaamaysi iyo nin jeclaysi,
 
sida laga warqabo nin kii layslahaa wax weyn ayuu ka bedelayaa siyaasada arimaha dibeda ee uu hore ugu galgashay maqaamsare ayaa waxa uu target ka dhigtay ceelasha biyaha geedeebleh oo aan ku filayn inay waraabiyaan magaalada hargeysa ceelashaas oo mudo hore la qoday oo bushada magaalada ku noolayd markaasna ay gaadhayeen ilaa dhowr boqol oo kun halka hada bushada hargeysa lagu qiyaasayo hal milyan iyo badh,
 
wasiirka arimaha dibada mr; maxamed biixi yoonis wuxuu la yimid caqligii siyaad bare ee markii la la aas aasayay wershada sibidhka berbera isaga oo dalka iyo dadka uu madaxweynaha u yahay kala jeclaysanaya ayuu ku taliyay in wershada sibidhka laga raro magaalada berbera loona raro magaalada kismaanyo kadibna sibidhka kabuuxa buuraha berbera ee wershada sibidhku ku agtaalana inta gaadiid lagu raro kismaanyo la geeyo! oo halkaas marba baabuurtu ka qaado!
 
waxa uu kasoo jeediyay figradaas liidata ee qabyaalada ku dhisan golihiisii wasiirada ee kacaanka ahaa markii figradii siyaad bare ay dhamaan wasiiradii sacabka u garaaceen ayuu farta taagay cismaan kaluun oo makaas ahaa wasiirka kalumaysiga iyo khayraadka bada hadal ayaa layidhi waxa uu yidhi madaxweyne waa figrad fiican oo wax ku oolah ee taas mid kafiican ayaan ana kuu hayaa waxa jira laba ban oo aad u balaadhan mid waxa uu kuyaal burco agteeda oo waxa layidhaah banka aroori mid kalena waxa uu kuyaal beri ceel afweyn meel layidhaah waxa layidhaa ban cade waa laba meelood oo dhul beereed ku fiican miyaanay haboonayn inta la qodo oo laba webi laga sameeyo oo labada webi ee juba iyo shabeele biyahooda booyado lagu soo dhuro kadib loo adeegsado si dhulbeereedkaas balaadhan looga faaidaysto!,
 
afweyne bare ayaa intuu qoslay yidhi cismaan taasi caqliga miyay gashaa! waxa uu ugu jawaabay cimaan kaluun hadaa madaxweyne ma caqlibaa warshada berbera kismaanyo haloo raro sibidhka buuraha berbera iyana baabuur halagu raro! inta uu isgartay in caqli xumada uu u badheedhayay rag lagaranayaa jiraan oo ay fashil tahay ayuu yidhi hadaba hala sharciyooyo wershadaas,
 
xukuumada siiilanyo ee shalay ugu danbeysay hargeysa lagaga mudaharaaday biyo la-aanta ka jirta ee umadii ku noolayd 100%70 haraadka la bakhtiyayaan markii ilaahay u keenay dad bani aadanimo ugu qoda ceelal ku filan oo biyo u soo saara waamaxay sababta ay uga hortimid in ceelashaas laga qodo meesha loo arkay inay ku haboontahay in ceelshaas laga taago oo laga heli karo biyo magaalada ku filan?
 
waxa meesha ka muuqata in koox gaara oo ku mamtay dhiiga umadu ay rabaan in sida dalka urdun ee israail ay biyaha ku kaan taroosho oo markay doontana kaxidhato biyaha markay doontana u soo dayso inay sidaas oo kale ugu xidh naadaan biyah magaalada hargeysa waxaana hada cadaatay in wasiirka arimaha dibadu maxamed biixi yoonis uu kooxdaas la safan yahay oo uu rabo in uu carqaladeeyo ceelshii tabarucaadka ahaa ee umadu u ildarayd ee dowlada imaaradku ka caawinayeen,
 
madaxweyne siilanyo wuu arkaa masiibada biyo la-aaneed ee haysata umada uu la noolyahay ee hargeysa degen waana tii uu ololaha ku galay wax baan ka qabanayaa biyo la-aanta hargeysa ka jirta laakiin waxa wax walba kaga weyn umadaas haraadan ee uu daawanayo inuu wax u qabto raali gelinta kooxdaas dhiig miiratada ah ee umada ku dulnool!,
 
shalay markii hotelka ay degen yihiin wafdtida u timid biyo gelinta hargeysa lagu weerayay ee ciidamadu RRU du isku gadeemeen wax yar kadib markuu arkay madaxweyne siilanyo in sheekadu noqonayso fari togdheer bay kula xushaa oo kacdoon ka dhalan karo ayuu rayigii sii hore bedelay oo weftigii qaabilay bal hadaba aynu eegno waxa uu kudhameeyo hawshaas muhiimka ah.
 
 
Aadan Axmed Nuur