SIYAASIGA MADAXA BANAAN SIDUU U ARKO HESHIISKA AY GAAREEN SOMALILAND IYO SOMALIA

(SIYAASIGA MADAXA BANAAN SIDUU U ARKO HESHIISKA AY GAAREEN SOMALILAND IYO SOMALIA)

Hadaan ka hadlo shirka kadhacay istanbul ee dalka turkiga waxaa lagu heshiiyay qodobo muhiim ah oo uu fahmi karo dadka caqliga u saaxiibka ah ama aqoonta leh.

Hadii la isugu yimaado shir waxa isa soo horfadhiisanaya waa rag mid walbana waxa uu doonaya inuu qodobkii uu wato hirgaliyo horaa loo yiri hadal rag waa mudacya afkood,

Su’aasha la iswaydinkaraa waxay tahay Somaliland maxay ka faa iiday somaliyana maxay ka faa iday ilayn mid faa ido la aan la tagtay majirtee.

Qodobada lagu heshiiyay waxa ka mid ah xasuuqii uu gaystay kali taliskii la oran jiray maxamed siyaad bare dowladaasoo la oran jiray repuplic of Somali kazoo uu ka gaystay meelo farabadan gaar ahaan Somaliland.

Hadaba markaynu yara iftiimino qodobkaasi maxaa ka dhalan kara.

Waxa ka dhalan kara la xisaabtan lala xisaabtamo dadkii ka danbeeyay xasuuqii loo gaystay Somalia gaar ahaan Somaliland siday hadalka iyo qoraalkaba ku dhigeene si maxkamad loo soo hortaago.

Somaliland halkaas waxaa ugu jira jaanis ah in dadkii ka danbeeyay ay la tiigsato maxkamad si loo mariyo wadadkii la mariyay cali samatar ,

Waxaa kaloo jirta arin aan iyadana la dhayal yaraysan Karin oo soo bixi karta oo aan u arkay in loo dusiyay wafdigii Somaliland ka tagay oo ah in si wada jir ah loo wada canbaareeyo xasuuqaas gaar ahaan somaliland

Marka sidaa loo dhigay jumlada waxaa kadhalan kara in guud ahaan xasuuqii uu gaystay kali taliskii ee kadhacay dalkii la isku oran jiray repuplic of Somali lala xisaabtamo oo ay soo hoosgalayso saraakishii ka qaybqaadatay wax alaale waxii ka dhacay Somalia sida puntland taana ay keeni karto in rag ka tirsan Somaliland faraha lagu fiiqo.

Qodobkaas oo aan u arko in hadii ay dadka reer Somaliland damcaan inay ugaarsadaan kuwii ka danbeeyay xasuuqii loo gaystay Somaliland ay ku noqon karto caqab, caqabadaas oo ah in layiraahdo sidaa aynku ku ilowno ama kuwa Somaliland joga iyo kuwa Somalia jogaba hala soo diiwan galiyo eek a tirsanaa saraakishaa waqtiga cidamada ka tirsanayd ka Somaliland ahaan inagu keeni karto hawl adan. wafdigii xamar ka socdayna ay u arkaan in canbaarayn moyaane aan halkaasi loo dhaafin inkastoo ay u baahantahay in xeerarka caalamiga ah arinkaas la horgeeyo.

Qodobada kale iyagu waxaynu oran karna waa horu socodka xiriirka mustaqbalka labada dal iyo sidii looga gun gaari lahaa si loo gaaro natiijo wax ku ool ah .

Waxay howl culus u talaa wasiirka arimaha dibada Somaliland siduu heshiiskaa la gaaray uga mira dhalin lahaa,  inkastoo qolyahan xamar ay yihiin qaar galgalasha badan lasocod iyo ildheerna loo yeesho habdhaqankooda iyo siday caalamka ula hadlayaan arinka ku aadan Somaliland

Gunti iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahan waxaan oran laha dadka reer Somaliland inay ilaashadaan midnimadooda iyo isku duubnidooda kana feejignaadaan wax alaale waxii wax yeelaya qaranimada jamhuuriyada somalland madaxdana ay iyaguna warbixin buuxda shacabkooda ushegaan iyo xisbiyada qaranka,

 

Lasoco Qaybaha Danbe Ee Maqaalkan Oo Socoto Ah

Dhammaantiin aad baad umahdasantihiin saxaafada madaxa banaan

Qalinkii|: Future president mohamed Osman

Email:awaadan5@gmail.com

Burao,Togdheer,Somaliland