Taariikhda Hogaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrullah W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sh. Xasan Nasrullah wuxuu  dhashay sannadkii 1960-kii, waxaanu ku dhashay bariga magaalada Bayruut ee caasimada lubnaan. Wuxuu la dhashay sagaal caruur ah oo ay walaalo yihiin, isagaana ugu weyn. Markuu yaraa wuxuu ku hamiyi jiray inuu noqdo hogaamiye diimeed. Xaaskiisa waxa la yidhaa Fatimah Yaasiin, waana reer lubnaan. Wuxuu dhalay shan caruur ah.

markii dagaalkii sokeeye ka qarxay dalka lubnaan ayey qoyskiisi u guureen dhulkii ay reerkoodu degnaan jireen, oo ahaa koonfurta dalka lubnaan. Waxay degeen tuulada la yidhaa? Bassouriyeh?.

= sannadkii 1976-kii ayuu u baxay waxbarasho dibadeed, waxaanu tegay dalka Ciraaq magaalada Najaf ee Shiicadu ku xoogan tahay, waxaanu halkaasi ku dhammaystay ilaa waxbarashadiisii sare. Waana halkii ugu horeeyey ee uu kula kulmo hogaamiyihii isaga uga horeeyey ururuka Xisbullah ee la odhan jiray Cabbaas Al-Musawi.

= sannadkii 1978-kii ayey dawlada Ciraaq dalkeeda ka caydhisay boqolaal arday oo reer Lubnaan ahaa oo diinta ku baranayey, waxaana ka mid ahaa Xasan Nasrullah iyo Musawi. Wuxuu Xasan Nasrullah dib ugu noqday dalka Lubnaan. Musawi ayaa la socday ka dib Musawi ayaa ka aasaasay dugsi lagu barto diinta islaamka, halkaasina Xasan Nasrullah ayaa mar kale sii watay waxbarashadiisii.

= sannadkii 1982-kii ayuu Xasan Nasrullah ka abaabulay ardaydii waxbarashad kula jirtay inay ka qayb-qaatan faragalinta dawlada Israa?iil ku soo samaysay dhulka Lubnaan. Waxaanu u bixiyey Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta. In muddo ah ka dib waxay la baxeen magac XISBULLAH. Xasan Nasrullah wuxuu isku magacaabay hogaamiyaha ku-dhufo-ka-dhaqaaq (guerilla commander).

=sannadkii 1987-kii ayuu Xasan Nasrullah tegay dalka Iiraan magaalda Qom, balse wuxuu dib ugu soo noqday dalka lubnaan sannadkii 1989-kii. Muddo yar ka dib waxa bilaabmay loolan xoogan oo loogu tartamayo hogaaminta urur-diimeedka Xisbullah. Loolankan ayaa u dhexeeyey koox u janjeedhay dhinaca Suuriya oo uu hogaaminayey Musawi iyo koox ka soo horjeeda in Suuriya faragalinteeda la iska dhaafo oo taageersanayd in Israa?iil iyo maraykanka dagaal lagula jiro, waxaana hogaaminayey Xasan Nasrullah.

= sannadkii 1989-kii badhtankiisi ayaa Xasan Nasrullah lagaga adkaaday loolankii hogaaminta Xisbullah, waxaana laga dhigay wakiilka ururka Xisbullah u fadhiya dalka Iiraan magaalada Tehran. Arrintan ayaa loo arkayey in Xasan Nasrullah laga xoog batay dhinaca siyaasadda, balse markii dambe ayey dawlada Iiraan qaboojisay xaaladii, waanay heshiiyeen labadii dhinac.

= sannadkii 1991-kii ayuu Musawi noqday hogaamiyaha ururka Xisbullah. Xasan Nasrullah wuxuu ku soo noqday dalka lubnaan. Soo noqoshadii Xasan Nasrullah waxa la socday isagoo ka soo dabcay fikirkii uu kaga soo horjeeday dawlada Suuriya.

= Ilaa 1990-kii ururka Xisbullah wuxuu xubin baarlamaan ku lahaa dalka lubnaan.

= dabayaaqadii 1991-kii ayey dawlada Israa?iil shirqool ku dishay hogaamiyihii Xisbullah Cabaas Al-Musawi. Islamarkiiba waxa lagu bedelay Xasan Nasrullah, oo si buuxda ula wareegay hogaamintii urur-diimeedka Xisbullah.

= Xasan Nasrullah intii uu xilka hogaaminta Xisbullah hayey wuxuu ku guulaystay ololihii iyo borobogaandadii lagaga soo horjeeday Israa?iil inay ka baxdo dhulka ay lubnaan ka qabsaday. Wuxuu  caan noqday markii uu khudbad dheer jeediyey, muddo ka dib markay dawlada Israa?iil ciidamadeedii kala baxday dhulka dalka lubnaan ay ka qabsatay. Khudbadaasi waxay soo jiidatay indhaha bulshada caalamka.

= ka bixitaankii Israa?iil ee lubnaan waxay caan ka dhigtay Xasan Nasrullah iyo uru-diimeedkiisa. Ujeedada ka bixitaanka Israa?iil waxa sababay dagaalkii iyo weeraradii ay Xisbullah ku soo qaadi jiray ciidamada Israa?iil.

= sannadkii 2004-tii ayuu Xasan Nasrullah qorsheeyey inuu heshiis maxaabis is-weydaarsasho ah la galay dawlada Israa?iil. Waxaanay Israa?iil sii daysay maxaabiis gaadhaysa afar boqol oo isugu jira Falastiiniyiin, Lbnaaniis  iyo carab kale.

= sannadkii 2006-dii markii ay dawlada Israa?iil weerar qorshaysan ay ku qaaday koonfurta dalka lubnaan oo ahayd goobo ay ku xoogan yihiin ururka Xisbullah, ayuu Xasan Nasrullah jeediyey khudbad taariikh ah, waxaanu caalamka u sheegay waxa Israa?iil ku dhici doona, inay qoomamayn doonto, dagaalkana ay ku adkaan doonaan. Waxay ahayd khudbadihii uu ku caan baxay Xasan Nasrullah. Adduunka carabta ayaa Israa?iil looga arkayey xoog weyn oo Maraykanka la mid ah, balse waxay ku fashilantay inay gacanta ku dhigto saldhigyadii Xisbullah. Ciidankii lugta ee Israa?iil ayaa horumar samayn waayey, oo halkii ay dagaalka ka bilaabeen ayey dhaafiyi waayeen.

Taasina waxay dhiiragalisay carabtii ka baqanaysay Israa?iil. Xasan Nasrullah wuxuu dagaalkaa ka helay sumcad weyn. Markii dagaalkii socday in bil iyo waxoogaa ah, waxa soo dhexgalay Qaramada midoobay oo xabad joojin ka dhex-sameeyey labadii dhinac. Markii dagaalki dhamaaday ayuu khubdad dheer jeediyey Sh. Xasan Nasrullah wuxuu ugu baaqay dunida islaamka iyo carabta inay ciidamada Israa?iil yihiin kuwa aan awood lahayn oo la iska celin karo, waxaanu tusaale u soo qaadatay siday cagta u marinyeen.

= Dabayaaqadii 2006-dii ayey diyaaradaha dagaalka ee Israa?iil burburiyeen gurigii iyo xafiiskii Xasan Nasrullah. Dhinaca Israa?iil waxa u calaamadsanaa inay khaarajiyaan isaga iyo koox saraakiil sare ahayd oo ku sugnaa gurigiisa, balse waxba kumuu noqon, manuu joogin guriga wakhtiga weerarku dhacayey.

= sannadkii 2008-dii ayaa la sheegay in Xasan Nasrullah la sumeeyey, oo in muddo ah u jiifay suntii. Waxaana la sheegay in sirdoonka Israa?iil ay ugu dareen cunto walxo kiimiko sun ah, ka dib dhakhtar reer Iiraan ah ayaa daweeyey, waanu bogsaday. Balse Xasan Nasrullah wuu beeniyey in la sumeeyey.

= sannadkii 2013-kii ayuu Xasan Nasrullah ku dhawaaqay inay dagaalka Suuriya galeen oo ay ka barbar dagaalamayaan ciidamada dalka Suuriya, si loo cidhibtiro islaamiyiinta xagjirka ah. Wuxuu sheegay haddii la rido xukunka M/weyne Bashaar in dalka Suuriya u gacan geli doono Maraykan iyo Israa?iil taasina ay gobolkayaga ka dhigi doonto mugdi.

Shakhsiyada Xasan Nasrullah

Waa nin furfuran oo kaftan badan, wuxuu dadka ugu yeedhaa mujaahid. Waana caado uu leeyahay. Waa hadal-yaqaan dadka soo jiita markuu hadlayo. Wuxuu aad ugu daydaa hogaamiyaha diinta ugu sareeya ee dalka Iiraan. Wuxuu xariif ku yahay sida dadka loo kiciyo loona abaabulo. Wuxuu hibo ilaahay u siiyey inuu khudbad jeedin karo in ka badan shan saacadood. Wuxuu aad u neceb yahay doodda. Markii uu ku jiray waxbarashada haddii lala dooddo wuxuu samayn jiray gacan-ka-hadal iyo qaylo. Wuxuu aad uga helaa in hadalka laga guro oo aan laga horimin.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com