Ururka Al Shabaab oo heshiis la galay Beesha Biimaal (Daawo Sawirada)

Ururka Al Shabaab, ayaa heshiis la galay Beesha Biimaal (Dir) ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib kulan ay toddobaadkaan ku yeesheen Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankaan, ayaa daba socdo heshiis ay labada dhinac horey ugu wada jireen, iyadoo Shabaabku ay Beesha Biimaal ka codsadeen in ay isbarbar taagaan, kalana qayb qaataan la dagaalanka Dowladda iyo Amisom.

Heshiiskaan, ayay Shabaabku meesha kaga saarayeen in ay soo noq noqdaan dagaal beeleedyada sanadkii tagey ka soo cusboonaady Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, una dhaxeeyay Beelaha Habargidir iyo Biimaal.

Sidoo kale Shabaabka oo badhtamihii bishaan heshiis la gaaray Beesha Habargidir ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ku go’aamiyeen in aynaan qayb ka noqon dagaal beeleedyada, ayna hubkoodu ku foorariyaan Ciidanka Amisom iyo Dowladda, oo duulaano ku soo ah Shabaabka Shabeellaha Hoose.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla iyo Afhayeenka guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa waxay Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Biimaal ugu yeedheen, in loo diyaar garoobo weerarka ku soo foolka leh.

Cali Dheere, ayaa kulankaan ka sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose ay kula dagaalameen Ciidan Cadaan ah, markii uu sheegay in ay weeraro qorsheysan ku soo qaadeen.

Kulanka Shabaabka iyo Beesha Biimaal ku dhex maray Degmada Buulo Mareer, ayaa dhacay maalinimadii Sabtida ee la soo dhaafay.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Xoogga Dalka, ayaa u tafaxeedanaaya weeraro ay ku qaadaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.










 

Â