Ururka Al Shabaab oo markii ugu horeysay ka hadlay magacaabidda Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere”, wuxuu JimcahIi shalay uu ka hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Waxa uu sheegay laga soo bilaabo Dowladdii Col. C/laahi Yuusuf Axmed ee lagu soo dhisay Magaalada Embagati ilaa midda Xasan Sheekh, ay Reer Galbeedku soo magacabayeen kooxba kooxda kale, ee ay ka daran tahay sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Masuul kasta oo ka tirsan Dowladda, marka uu kahor yimaado danaha Reer Galbeedka in la eryaayo, laguna soo bedelaayay, mid kaloo Gaalada kaga dhow, sida uu yidhi.

Golaha Wasiirada ee xilligaan la soo magacaabay, ayuu muujiyay in ay ka sii liitaan Golahii Wasiirada ee Xukuumadii Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), isla-markaana aynaan meelna gaadhi doonin.

Cali Dheere, ayaa Golaha Wasiirada ee Xukuumada C/weli ku eedeeyay kuwo ka doqonsan Wasiiradii hore, ayna adeegsadaan waxyaabaha maanka dooriya, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Cali Dheere, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay in ay hawo ku nool uun yihiin, isagoo ku eedeeyay inaanay lahayn Diin ay u laabtaan, marka ay wax isku qabtaan. Waxaana marjac u ah sida uu yiri Nicholas Kay iyo Amisom.

Afhayeenka guud ee Al Shabaab, ayaa xusay haddii shalay la ceyriyay Saacid, in berina la ceyrin doono C/weli, marka xigtana codka kalsoonida loo qaadi doono Xasan Sheekh Maxamuud.

Salaanmedia/Mogdisho