Ururka Simha oo u dabaal degay Maalinta Saxaafada ee Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Xaflad ballaadhan oo uu Ururka Suxufiyiinta Somalia Independent Media House (S.I.M.H) ugu dabaal-degayey Maalinta Saxaafadda Somalia, ayaa galabta lagu qabtay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalladdan Muqdisho.

Xafladaasi oo si heer Sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin, Suxufiyiin Rug caddaa ah,iyo marti Sharaf kale oo aad u badan. Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Dowladdii KMG, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle, Safiirka Somalia uga wakiilka ah dalka Senegal, Ambassador Maxamed Hussien Abokor (Owliyo), Tifaftirihii hore ee Laanta Afrka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Afhayeenkii hore ee Dowladda KMG, Cabdi Xaaji Goobdoon, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee S.I.M.H. Xasan Cali Geeseey iyo Agaasimaha Raadiyaha Qaranka, C/raxiim Ciise Caddow oo iyagu ka hadlay Munaasabadaasi ayaa si Wadajir ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeyeen Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Somalia oo ku beegan maanta oo ay Taariikhdu tahay 21-ka Bisha January.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Suxufiyiinta ugu khibradda fiican dalka Somalia, ayaa waxa uu si faahfaahsan uga hadlay Taariikhda Saxaafadda Somalia , gaar ahaan Heerarkii kala duwanaa ee ay Saxaafadda soo martay. Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo isagana kahadlay Kulankaas ayaa ku dheeraaday Qiimaha Munaasabadda 21-ka Janaayo iyo Dadaalkii ballaarnaa ee ay Dowladdii KMG u gashay Dib-u-soo-nooleynta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Telefishinka iyo Idaacadda Radio Mogadishu.

Tifaftirihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo isagana kulankaasi ka hadlay ayaa Suxufiyiinta la qeybsaday Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Somalia, wuxuuna ku dheeraaday Doorka Suxufiyiinta kaga aadan Horumarinta Saxaafadda Somalia, wuxuuna ugu baaqay Suxufiyiinta inay Juhdi badan geliyaan sidii Ummadda loo gaarsiin lahaa Warar Sugan oo aan Malla-awaal iyo Fidno-abuur ku dhisnayn.

Tifaftirihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-London, waxa kaloo uu ka hadlay Caqabadaha ay Suxufiyiinta kala kulmaan Eray-bixinta loo adeegsado Saxaafadda, wuxuuna tusaale u soo qaatay Dhacdo uu la kulmay Xilligii uu Idaacadda BBC-da joogay oo Eraybixin loo waayey War la xiriiray Haweeney loo magacaabay Maayarka magaalladda Kampala ee dalka Uganda.

Isagoo sii sharxayo arrinkaasi, waxa uu tilmaamay inuu Hal-abuurayaal Soomaali ah kala tashaday Eray bixinta Afka Soomaaliga ee munaasabaska ku ah Magaca loo adeegsan karo Xilka Haweeney ee Duq magaallo loo dhiibay. “Waxaan isla qaadanay inaan adeegsano Erayga Duqda magaalladda, maadaama Ninka Maayarka ah loogu yeero Duqa Magaalladda” ayuu sii raaciyey Yuusuf Garaad.

Agaasimaha Idaacadda Qaranka Somalia ee Radio Mogadishu, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa isagana ka hadlay Qiimaha Maalinta Saxaafadda Somalia, wuxuuna dhanka kale Tacsi u diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee sida xaq-darradda leh loogu dilay Somalia.

Sheekh C/raxiim Ciise Caddow waxa kaloo uu tilmaamay inay lama huraan tahay inay iskaashi yeeshaan Warbaahinta Dowladda Federalka iyo Warbaahinadda kale ee Madaxa Bannaan si loogu miro-dhaliyo Hawlaha Warbaahineed ee loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed.

Safiirka Somalia uga wakiilka ah dalka Senegal, Ambassador Maxamed Hussien Abokor (Owliyo), ayaa isagana u hambalyeeyey Suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u dhabar adeegaan Xilliga adag ee ay ku hawlgalaan.

Guddoomiyaha Ururka midawga xarumaha warbaahineed ee dalka Somali independent media houses association ( SIMHA ) Xasan Cali Geeseey oo isagu ka hadlay Gebagebadda Xafladaasi lagumaamusayey Maalinta Saxaafadda Somalia waxa uu Faahfaahin ka bixiyey Qiimaha Maalinta Saxaafadda Somalia iyo dadaalka uu Ururka Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee SIMHA ee lagu Horuminayo Khibradda Suxufiyiinta Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Suxufiyiinta Madaxa Bannnaan ee SIMHA oo la asaasay sannadkii ayaa waxaa ku mideysan Suxufiyiin iyo Hay’addo Warbaahineed oo ka hawlgala inta badan gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale isla munaasabad nuucaas ah ayay SIMHA manta ku qabatay xafiiskeeda magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku soo booqdeen madax ka socotay UN-ka .